XOG: Puntland oo diidey in Galmudug kula hadasho Kismayo

KISMAYO- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in waftiga madaxweynaha Puntland hogaaminayo ee ku sugan magaalada Kismayo diideen in wadahal la galaan maamulka Galmudug.

187-4

Xogtaan ayaa sheegeysa iney jirtey balan hore oo u dhexeysay madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo dowlada Federalka taasoo aheyd in wadahadalo hordhac ah labada maamul ku yeeshaan Kismayo inta uusan bilaaban kulanka loogu magac darey wadatshiga qaran balse aysan ka warqabin waftiga reer Puntland.

Madaxweynaha Jubaland oo asbuucyadii lasoo dhaafey booqasho ku tagey magaalada Cadaado ayaa waraku sheegayaan inuu ku howlanaa sidii wadahadal labadaan maamul ugu yeelan lahaayeen magaalada Kismayo.

Waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug oo isagu diyaar u ahaa wadahadlkaan ayaa wararku sheegayaan iney la yimaadeen qodobadii looga hadli lahaa kulankaan. Xogagaal u dhuundaloola arimahaan ayaa Garowe Online u sheegey iney qodobada maamulka Galmudug wateen ay kamid ahaayeen in laga wadahadlo mustaqbalka magaalada Galkacayo iyo kaabayasheeda dhaqaale.

Dhinaca kale wararka laga helayo kulankii loo balansanaa Jan 10,2016 ayaa waxaa dib u dhac ku sameeyey madaxweynaha dowlada Federaalka kadib markii uu ku soo beegey barnaamijka shirka maamul u sameynta gobolka Shabeelada Dhexe iyo Hiraan.

Talaabadaan ayaa waxaa aad uga xumaadey dhamaan madaxda kale ee maamulada gaar ahaan Puntland, Jubaland  kuwaasoo dib u dhaca u arkey talaabo siyaasadeed.

“Madaxweynaha Somalia waxaa uu rabaa inuu dhiso maamul kale oo tageersan nidaamka 4.5 inta aan la isugu imaan shirka Kismayo iyo kuwa ka dambeeya, taasoo lagu wiiqayo awooda maamulada kale oo diidan hab qayb sigaan in dib loogu noqdo” sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xubin ka tirsan wafdiyada maamulada  oo ku sugan magaalada Kismayo

Waxaa kale oo dib u noqdey wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada Ethiopia iyadoo wararku sheegayaan in bilahaan dambe uusan wanaagsaneyn xiriirka dowlada Federaalka iyo Addis Ababa.

Dowlada Federalka ayaa aaminsan in dowlada Ethiopia tageero siyaasdeed siiso maamulka Dhuusamreeb ee Ahlu Sunah kuwasoo diidan maamulka Galmudug kasoo uu madaxweyne ka yahay siyaasi ay aad isugu dhowyihiin madaxweynaha Somalia.

Xigasho: GAROWEONLINE

 

About The Author