Daawo Video-Dhagayso: Madaxweyne Xassan oo sheegay hadal beeniyey Warkii kooxda Khaatumo ee Prof Galayr!!
13 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa maanta isagoo ka hadlayey Garoonka magaalada Kismaayo sheegay in Maamulka Kowhar ka dhalan doona uu yahay kii dambeeyay Maamulada Federaalka ah ee dalka Soomaaliya laga samaynayo.
Xasan Sheekh ayaa yiri “Waxaan ka imid magaalada Jowhar oo aan shalay kusoo furay shirka Maamul u samaynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ah kii ugu dambeeyay Maamulada Federaalka ah ee dalka Soomaaliya ka hana qaaday”
Dhagayso madaxweyne Xasan
Hadalka madaxweyne Xasan waxa uu beeninayaa war ay kooxda Prof Xali Khaliif Galayr hor boodayo ee Khaatumo oo sheegtay in madaxweyne Xasan gacanta u geliyey warqada ogolaanshaha maamul u samaynta gobolada Sanaag iyo Sool.
Prof Galayr oo hor boodaya Koox uu garwadeen u yahay ayaa waxay yimaadeen Degmada Buuhoodle iyagoo ugana sii gudbat tuulada Balicad, waxayna dadka ku khaldayaan inay madaxweyne Xasan ka haystaan ogolaansho ay ku samaynayaan waan sida ay sheeganayaane maamul ay yeeshaan Gobolada Sanaag iyo Sool.
Puntlandes.com