DEG DEG: Sidii ay Warbaahinta Puntlandes sheegtay oo Kulamadii Kismaayo oo lagu kala kacay
15 Jan 2016 (Puntlandes) Wararkii u dambeeyey ee Warbaahinta Puntlandes ka kasoo gaara magaalada Kismaanyo oo uu ka socday shir ay lahaayeemn madaxda Sooomaliada ayaa sheegaya in lagu kala kacay kadib markii labadii dhinac ee doodu udhaxaysay isu garaabi waayeen.
Warbaahinta Puntlandes ayaa horay Xog ugu heshay in la isku mari waayey Shirkii Kismaany kadib markii madaxweynayaasha maamula goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Galmudug Cabdikariin Guuleed oo taageero ka helaya madaxweynaha DFS ay ku adkaysteen in lagu soo xulo Habka Qabaliga ah ee ay Soomaalidu diiday ee 4.5 halka Madaxweynayaasha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe) ay soo jeediyeen in Deegaan lagu saleeyo.
Maalinka Berri ah ayaa lagu wadaa in madaxdu u kala dhoofayso deegaanadii ay ka yimaadeen, halkaan ka akhri XOGTII ay Warbaahinta Puntlandes saaka qortay WAR DEG DEG AH-XOG: Shirkii Kismayo oo la isku mari layahay
Iminka ayaa waxa socota magaalada Kismaanyo Xalfad Toos uga baxaysa TVyada qaarkood oo lagu sagoontinayo madaxdii halkaas shirku uga socday.
Wararka kusoo kordha Kismaanyo kala soco Warbaahinta Puntlandes