Sawiro: Ciidankii C/kariim Gaalkacyo kusoo weeraray oo DFS Mushahaar siisay
16 Jan 2016 (Puntlandes) Ciidamadii uu Cabdikariim Xugeen Guuleed ku soo weeraray magaalada Gaalkacyo ee Cadaado ay fariisinka u ahayd ayaa waxaa loo qeybiyay mishaaraadka Ciidamada, iyadoo sida ay u qaadanayeen ciidamada mishaaraadkooda kormeeray saraakiisha ciidamda DFS ee u xilsaaran bixinta mishaaraadka wakiilna ka ah hogaanka sare ee CXDS.
Askarta qaatay mishaaraadka ayaa tiradoodu eheyd 230 askari, Korneel C/llaahi Yuusuf Cabdulle oo ka tirsan hogaanka sare ee Ciidanka DFS, ayaa sheegan in Amar ka soo baxay Taliska guud ee ciidamada DFS oo ah in la saxo qaabka ciidamada ay u qaadanayaan mishaaraadka Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in saraakiisha ugu sareysa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ciidamada.
Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu tayeynayo Ciidamada, iyadoo lagu wado saacadaha soo socda in saraakiisha ka socota Taliska Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyana ay geeyaan xeryaha kale oo ay ku jiraan Qeybta 21-aad CXDS kuwaa oo ka howlgala gobolada Galguud iyo Mudug.