XOG: Dowlada Federaalka Somalia oo faragalin XUN & Khalkhal gelin ku haysa Puntland

16 Jan 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay XOGO   sheegaya in dowlada Federaalka Soomaaliya DFS ay bilowdey iney faragalin ay ku doonaysoo inay Khal-Khal Siyaasadeed iyo mid Amniba ka abuurto Puntland iyadoo usoo ditay Puntland Dad ay Qandaraas kusoo siisay Fulinta Arimahaas.

169

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes DFS waxay weerarkeeda u Dooratay Gobolka Bari oo ay ku doonayso inay dhaawac Xun oo Siyaasadeed iyo mid Amniba ku gaarsiiso Puntland, waxay kaloo weerar kale kaga soo qaaday Gobolada Sool iyo sanaag.

Warbaahinta Puntlandes DFS ayaa ogaatay inay DFS si toos ah ay Faraha ugula jirto Kicinta iyo abaabulka Beelaha Gobolka Bari qaarkood iyadoo uga faa’iidaysanaynsa Cabashooyin ay qabeen Beelahaasi. DFS ayaa usoo dirtay shaqsiyaad u dhashey gobolka kuwaasoo DFS Qandaraas uga soo qaatay inay Shacabka Gobolka Bari ka hor keenaan dawladda Puntland, iyagoo Kicinaya, ABAABULAYANA Bulshada Gobolka Bari. shaqsiyaadkan ay soo dirtay DFS ayaa waxaa si toos ah amarka wax lagu fulinayo u siiya si joogto ah madaxda DFS.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay madaxda DFS ay aad ula dhacsan tahay shaqada ay ilaa iminka qabteen shaqsiyaadkii ay u xilsaartay inay Khal-Khal Siyaasadeed iyo mid Amniba ka abuurto Puntland, iyadoo Dhaqaale fara badan iyo shaqsiyaad kaleba usoo dirtay Puntland si ay Howshaas usii xoojiyaan.

Dhanka Gobolada Sool iyo Sanaag na waxaa DFS abaabushay Rag uu Horboodayo Prof Cali Khaliif Galayr, kuwaas oo ay DFS usoo waliilatay inay Degenaansho la’aan siyaasadeed ka Abuuraan Puntland.

188-3

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa go’aansaday inuu si aan gabasho lahayn u Bur-buriyo Puntland isagoo iminka adeegsanaya dadkeeda, laakiin wuxuu hilmaansan yahay inay Shacabka Puntland ka horeeyaan ayna iyaga yihiin waxa Puntland dhistay soona ilaashanayey 18ka sano.

Madaxweyne Xasan ayaa u arka in ay Puntland hortaagan tahay inuu Kursiga mar kale kusoo noqda bisha agoosto ee sanadkan oo lagu wado inay Doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, isagoo go’aansaday inaysan Puntland ka dambayn.

Halkan ka Akhri: Qoraal ayWarbaahinta Puntlandes ka qortay Daawo Video: Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan oo Kooxda Damul Jadiid Qandaraas kasoo qaatay

Puntlandes.com

About The Author