Dhageyso: Amb Afey “beesha caalamka & Shacabka Soomaaliyeedna raali kama ahin DFS Qaqti loogu daro, Shirka Kismaayana Natiijo ayaan ka sugaynaa”

16 Jan 2016 (Puntlandes)  Maxamed Cabdi Afey oo ah Wakiilka Urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ka hadlay mowqifka beesha caalamka ee Shirka Kismaanyo ka socda, ayaa sheegay in madaxda Soomaalidu aysan iska kala tagi karin iyagoo ay beesha caalamku ka sugayso go’aan cad oo ku saabsan doorashada dhammaadka sanadkaan 2016.

187-5

Dhanaka kale Amb Afey ayaa meesha ka saaray inay jirto fursad waqtiga loogu kordhin karo dowladda madaxweyne Xassan Sh Maxamuud, waxaana uu sheegay in arrintaas beesha caalamku ay muddo sanad laga jooga go’aan uga gaartay.

Amb Afey ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xiisadaha siyaasadeed ee hadda taagan ka siiyey Golaha 60 oo ah madal inta badan arrimaha Siyaasadda lagu gorfeeyo.

Dhagayso Amb Afet oo Xaraare waraystay


Puntlandes.com

About The Author