Dhagayso: Shirkii Kismayo oo xataa la awoodi waayey in warmurtiyeed laga soo, laguna kala tagay
17 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxdii, DFS, KGS iyo maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Puntland iyo Jubaland oo dhinaca kale ah oo ku shirsanayd Kismayo ayaa iyagoon ku Heshiin ka gaarin Qaabka wax lagu soo xulayo Doorashada Agoosto sanadkan 2016ka waxay ku kala tageen Kismayo, oo Shir uga socday maamilmihii u dambeeyey.
Madaxdu waxay xataa awoodi waayeen inay wax uun warmurtiyeed ah soo saaraan Shirka oo xataa ay ku sheegayaan waqtiga la qabanayo Shirka dambe ee maaweelada ah iyo meesha lagu qabanayo.
Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa yiri.“sidaad ogsoontihiinba shirkii kabilowday halkan xalkana loogu raadinayey hiigsiga 2016-ka iyo sidii looga gudbi lahaa muddada dhammaanaysa looga gudbi lahaa runtii meel wanaagsna ayaa lasoo gaadhsiiyey, runtii hadda meeshii aan jooney waan isaga dhownahay”
Sharmarke oo isku dayaya inuu Qariyo waaqiciga jira ayaa yiri“waxyaabo yar oo farsamo ayaa noohartay oo aanu doonayno in aanu dib uga wada hadalno aanu si dhaqsa ah isugu soo noqon doono, meesha laysugu imaanayo iyo xilliga laysu imaanayana dawladda Federaalka ayaa sheegi doonta”
Dhagayso Raysul wasaare Sharmarke
Puntlandes.com