3 Diyaaradood oo kala geeyey Xamar Wafdigii DFS ee Kismayo shirkii Fashilmay u joogay
17 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxda DFS ee maalmihii u dambaysay Shirka Bur-buray ee Madasha wada tashiga uga socday magaalada Kismayo ayaa waxaa Kismayo ka qaaday 3 Diyaaradood oo kala duwa u kala raacay sidatan;
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh,iyo qaar ka tirsan Goliha Wasiirada Wasiirada DFS iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa isku diyaarad ka soo qaaday magaalada Kismaayo.
Raysul Wasaaraha, DFS iyo qaar ka mid ah Goliha Wasiirada DFS iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa iyana isku diyaarad ka soo qaaday Kismaayo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isku diyaarad ka soo qaaday Kismaayo..