Wararka maanta Sawiro: Dowladda Imaaraadka oo maamulka Koonfur Galbeed ku wareejisay Gaadiid puntlandes 18 January, 2016 18 Jan 2016 (Puntlandes) Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaaliya Amb Maxamed Axmed Al-Cuthman ayaa maanta 10 Baabuur oo isugu jirta Gaadiidka Ciidanka, Ambalaas, hal gaari oo Booyad ah iyo hal gaari oo ah nuuca aysan rasaasta karin kuwareejiyay Madaxweynaha maamulka Koofgur galbeed Shariif Xasan. Amb Cuthmaan oo ugu horeyn saxaafadda kula hadlay Xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaadidka maanta ay ku wareejiyeen Maamulka Kooofur galbeed uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib y dhiska Ciidanka Koofur Galbeed.Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalka sida weyn u tagaeera Soomaaliya ayaa horay Dowladda dhexe iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka ugu wareejiyay gaadiid ciidan iyo agab milatari si kor loogu qaado awooda Ciidamada Soomaaliya. About The Author puntlandes See author's posts Continue Reading Previous Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo Bosaso lagu soo dhaweetet kana warbixiyey Shirkii KismayoNext Daawo Video-Sawiro: Madaxweyne Gaas oo loogu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso More Stories Wararka maanta Puntland oo looga mamnuucay 1xBet oo ah adeeg khamaar oo si weyn uga faafay bulshada puntlandes 23 November, 2024 Wararka maanta Muuqaal-Sawirro: Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo warbixin siisay Baarlamaanka Puntland puntlandes 23 November, 2024 Wararka maanta Muuqaal: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo qaatay Shahaadada Musharaxnimada xilka Madaxweynaha Jubbaland. puntlandes 23 November, 2024