Machad Lagu Barto Culuumta Islaamka Iyo Ku Hadalka Luuqada Carabiga Oo Laga Furay Degmada Baargaal

18 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa markii u horeysay magaalada Baargaal oo katirsan Gobolka Gardafuu laga furay Machad Loogu talagalay in lagu barto culuumta shareecada islaamka iyo ku hadalka luqada carabiga.

Machadkan oo lagu magac daray Imaam Al Albaani ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socatay maamulka Degmada Baargaal oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuuusf ,Ganacsato , Aqoonyahano ,Nabadoono , Cuqaal, arday Macalimiinta Xarumaha Waxbarashada ,dadweyne iyo culuma,udiin si weyn
looga yaqaan Deegaanka.

Faatax Shire Cismaan oo ah Aasaasaha Machadka Imaam Al Albaani ayaa ugu horeyn ka hadlay xaflada hirgalinta machadka waxaana uu faah faahin ka bixiyay ujeedada ku kaliftay inuu aasaaso Machadkan oo uu ku sheegay in hadafkoodu ahaa sidii bulshada Gobolka Gardafuu ay fursad ugu heli lahaayeen Barashada ku hadalka luuqada carabiga iyo culuumta shareecada islaamka maadaama deegaanada Gobolka aysan laheyn macaahid lagu barto culuumta islaamka.

Sheekh Cawil Jaamac Muuse oo la hadlay dadweynihii ka soo qeyb galay furitaanka Machadka Al-Imaam Al-Albaani ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay barashada Shareecda Islaamka , iyo barashada Luqada carabiga oo fure u ah barashada Shareecada Islaamka.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay waxgarad iyo Isimo ka soo jeeda deegaanka iyaga oo u mahad celiyey aasaasayaasha machadka waxayna ugu baaqeen dhalinyarada in ay ka faa,ideystaan Machadka Imaam al albaani

Ugu danbeyntii waxaa goobta ay ka dhaceysay xaflada furitaanka Machadka Imaam Al Albaani ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed iyo masuuliyiin ka socatay Maamulka Degmada kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay tahay mid aad loogu riyaaqo hirgalinata Machad lagu baranayo culuumta kala duwan ee diinta islaamka iyo ku hadalka luuqada Carabiga

Waa markii u horeysay oo machad lagu baranaayo culuumta diinta islaamka iyo ku hadalka luuqada carabiga laga furo Magaalada Baargaal iyo Gobolka Gardafuu.
190-2a

190-2b

190-2c

190-2d

190-2e

190-2f

190-2h

190-2j

190-22aa
Puntlandes.com

About The Author