Shirkii Kismaayo & Damaca xil kororsiga Dawladda
Shirkii Kisamaayo waa markii ugu horaysay ee hoggaamiyayaasha Soomaalida loodaayo go, aan ka gaarista masiirka ummadooda tan iyo xiligii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya..
Wuxuu ahaa shir Qaran oo ay isku yimadeen hoggaanka dalka heer Qaran ilaa heer maamul gobolleedyo, waxaana ka sugayney go. Aan taariikhiya ummadduna ay ku faraxdo..
Abwaankii Soomaaliyeed AUN Abwaan Yamyam, gabay uu tiriyey 1993, shirkii Addis sabab, Tix kamida ayaa waxay ahayd __
Haddaan weynay maan iyo aqli noo maqoorada ma inaan gobnahaybaan Martitiyo Shisheeyaha Masawira nirahnaa ,(AUN)
Kismaayo waxaa isku tagay oo ku shiray hoggaamiyayaasha Soomaalida oo kala ah Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka ee SoomaaliyaXassan Shiikh Maxamuud iyo Madaxwayneyaasha Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka dhammaantood ujeedo kala gaara ayey wateen guwo rabay in ay xilka kororsadaan kuwo rabay in mooqofkoodu socdo iyo kuwo kale oo rabay in Soomaali jaha wareerka iska jirto..
Shirkaan wuxuu daba socday shirar hore oo lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe, Shirkaan waxaa ujeeddadiisu ahayd in la isla meel dhigo habka doorsho 2016, kadhici doonta Soomaaliya haddiiba ay suura gasho..
Shirka Kismaayo ee` ay isku tageen Hoggaamiyayaasha dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya wuxuu ballantiisu ahaayd inuu furmo 10,01 2016, hayeeshee wuxuu furmay 14,janaayo wuxuuna dib u dhacay 4maalin” ujeedka shirku uu dib ugu dhacay ayaa ahayd in uu shirku kusoo dhamaado sidan uu hadda ku soo dhamaaday oo ah natiijo la`aan..
Ujeedooyin kala duwan
Waa maxay sababta warmurtiyeed iyo go, aan mideysan looga soo saari waayey Shirkii Madasha wada tashiga qaran? su’aashaas ayaan hoos ku sharrixi doona siday aniga ila tahay..
Koow shirka waxaa la furay markii xubnihii Beesha Caalamka kasocday ay katageen Kismaayo kadib markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya kadaahay ballantii shirku ku furmi lahaa..
Labo Inta badan hoggaamiyayaasha hadda talada dalka hayaa waxay u gogol xaarrayaan inay muddada xilka kororsi samaystaan ayaga marmarsiino u yeelaya adduunkana tusaaya in Shirkii Kisaamyo la isla meel dhigi waayey hannaanka doorasho
Seddex Madaxwayne Xassan Shiikh , Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Raiisul wasaaraha xukumadda waxay doonayaan inay ayagu jaheeyaan hannaanka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta haddiiba ay dhacdo..
Sidan anigu is leeyahay ujeedka ugu weyn ee shirka loo fashiliyey ayaa ah in caalamka la tuso inaan xiligaan doorsho laqaban karin loona baahan yahay in hay,addaha Dawladda xilka loo kordhiyo si ay shaqada u sii wadaan ilaa la helo doorasho la isku raacsan yahay…
Damaca siyaasiinka hoggaanka dalka haya.
Damac siyaasiinta hoggaanka noo haya waxaan isleeyahay ILKO ABEESO) hoos bay ka xiriirsan yihiin oo dhammaan hoggaamiyayaasha Kismaayo isku tagay waxay ku mideysanyihiin in xilka loo wada kordhiyo waana sababta kaliftay inay ummadda Soomaaliyeed tusaan in shirkii lagu heshiin waayey..
Waase dadnimo xumo iyo ceeb in siyaasiinta Soomaali aysan wili fahmin danta ummaddooda iyo sharafta dalkooda waa shirkii koobaad ee Siyaasiinta iyo madaxwayne yaasha Soomaalidu isku yimaden ayaga oo aan beesha caalamku ku kala dhex jirin hadana ku dhamaada natiijo la`aan..
Waxaan ku soo koobaya
Soomaalidu waxay ku maahmaahda Rag yari wax kuma yeeshee Rag xumaa ku disha
Hoggaanka dalkeenu waa inuu ka gudbaa in ajanabi u kala turjumo in beesha caalamku maalin kasta ugu hanjabto saas yeela iyo in farta wax loogu fiiqo Soomaali gab bay ahaan jirtay Go, aankeeda ayadaa lahaan jirtay waa inay karteen hoggaamiyayaasha Soomaalida sharafta ummaddooda dalkooda iyo sharaftooda–baa..
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-guuleed72@hotmail.com
Falanqeeye arrimaha bulshada.
Qoraalkani wuxuu ka tarjumaya aragtida Qoraaga, Warbaahinta Puntlandes waxay soo dhawaynaysaa Akhristayaasha usoo Gudbiya Qoraalo ay ku cabirayaan Aragtiyadooda sidii Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd dawladnimadeedii iyo Midnimadeedii.