Sawiro: Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug oo Xafiiskiisa Gobolka Bari lagu Daahfuray maanta Bosaso

22 Jan (Puntlandes) Munaasabad aad u ballaaran oo lagu Daahfuray Xafiiska Gobolka Bari ee Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacday magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Munaasabadan lagu qabtay Hotel Jubba ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, Xildhibaano, Guddiga Hormarinta Gobolka Mudug, culuma’udiin, Isimo, Waxgarad, dhalinyaro, aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay goobta Cabdi Fataax Maxamed Sugulle oo ka mid ah Guddiga Hormarinta Gobolka Mudug, waxana uu sheegay in ujeedada laga leeyahay Sanduuqa ay tahay in hormarinta Gobolka Mudug ay bulshada si wada jir ah uga qayb qaadato, maadaama gobolka Mudug uu muhiimad weyn u xambaarsan yahay bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Mudug Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay doonayaan in magaalada Gaalkacyo ay yeelato muuqaal cusub oo Hormarineed, wuxuuna yri isagoo ka hadlaya Gobolka Mudug xaruntiisa ”Gaalkacyo waxay jihaysatay wadada hormarka, dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas wax badan ayey ka qabatay Hormarka Gaalkacyo”

Ugu dambayn Amiir Maxamuud ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool gudaha iyo dubadda in ay u istaagaan ka shaqaynta hormarka Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi o oka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in reer Puntland ay ku guuleysan doonaan ka miro dhalinta hadafka loo asaasay Guddiga Hormarinta Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo isna ka hadlay Munaasanada ayaa sheegay in muhiim ay tahay in shacab iyo dowlad ay iska kaashadaan Hormarka dalka, wuxuuna ka digay in wax laga sugo Hay’adaha.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Sanduuqa lagu daahfuray Gobolka Bari wuxuuna bulshada ku dhaqan Gobolka Bari ugu baaqay inay garab istaagan sanduuqa.

Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ahaa culumadii ka hadashay Munaasabada ayaa sheegay in arintan ay tahay mid ku dayasho iyo boggaadin mudan, wuxuu sheegay in uu aad ugu farxay markii uu maqlay in hawsha la bilaabay.

Suldaan Ciise Maxamad ciise oo qeyb ka ahaa Isimada ka hadlay Munaasanada  ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka qayb qaataan Hormarka Gobolka Mudug oo ah Gobol muhiimad u leh Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Cabdifataax Maxamed Sugule ayaa ku dhawaaqay Liiska guddiga hormarinta gobolka Mudug Xafiiskiisa Gobolka Bari oo ka kooban 10-xubnood waxayna kala yihiin:

  1. Cabdirisaaq Dabiye
  2. Cabdifitaax Cabdullaah Quute
  3. Ciise Cabdi Barre
  4. Maxamuud Qorane
  5. Faarax Cajab
  6. Cabaas Shell
  7. Maxamad Cabdille
  8. Maxamad Gaalkacyo
  9. Mahad Cumer Xirsi
  10. Abdi Xaashi Cali

Sawiro
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21
Puntlandes.com

About The Author