Dhagayso: Mashaariicda Horumarineed ee qaarna Hirgaleen Puntland, qaarna dhawaan bilaabanayaan Dhawaan
22 Jan (Puntlandes) Madaxwynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyeyn Golaha 1960 ayaa ka hadlay Mashaariicda Horumarineed ee Puntland laga hirgaliyey, kuwa bilowday iyo kuwa soo socda.
Madaxwyne Gaas ayaa sheegay inuu dhisayo Puntland cusub oo ka duwan sidii hore.
Mashaariicda Hirgalay
- Garoonka cusub ee Bosaso laga hirgaliyey
Mashaariicda bilowga ah
- Garoonka garoowe oo dhawaan uu madaxweyne Gaas dhagax dhigay.
Mashaariicda soo socda
- Garoonka Gaalkacyo ayuu sheegay madaxweyne Gaas inay dhawaan dhagax dhigi doonaan, Haddii Allah idmo.
- Dekada Bosaso ayuu sheegay madaxweyne Gaas dhawaan dhagax dhigi doonaan oo Qalabkii lagu dhisi lahaa uu Qaarkiis yimid inta kalena ay jidka kusoo jirto. Dekadda Boasao ayuu sheegay madaxweyne Gaas inay ka dhigi doonaan Dekad caalami ah oo dhererkeeda ay ka dhigi doonaan 1200m halka ay iminka ka tahay 175m oo kaliya, waxa ay Puntland iminka ay leedahay.
- Garacad ayuu sheegay madaxweyne Gaas inay ka samaynayaan dhawaan Dekad yar.
- TuurDibi waxaan ka samaynay Kastam oo isku xiri doona Itoobiya iyo Puntland.
- Xagga Jidadka oo ay dhawaan bilaabayaab jidka Garowe iyo Gaalkayo
- Qalabkii samaynayey Jidka Ceel Daahir iyo Ceergaabo dhawaan ayuu imanayaa waxayna dawladu bilaabaysaa 90 km ee ugu horeeya jidkaas.
- Wadada Lafo Gorayo oo iyana ay dhawaan dawladdu dhisayso.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay doonayaan inay Yagleelaan Puntland ta cusub.
Doorashashii Puntland
Gaas ayaa sheegay inay ku hawlanayn isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay magacawno Gudigii Doorashada intii uusan kasoo bixin garowe.
Puntlandes.com