Sawiro: Wafdigii uu hogaaminayey Raysal Wasaarihii hore ee DFS Cabdiwali Sheekh oo ka Dhoofay Gaalkacyo

23 Jan 2016 (Puntlandes) Raysal wasaarahii hore ee DFS Cabdiwali Sheekh Axmed iyo awfdi kale oo uu hogaaminayo kana mid ah xisbiga uu hogaamiye Madasha Midnimada Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyey safar qaatay ku dhawaad bil oo ay ku joogeen deegamada Puntland.

Wafdiga ayaa ka dhoofay magaalada Gaalkacyo waxaana halkaa ku sii dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) iyo xubno kale oo ka mida maamulka iyo shacabka magaalada Gaalkacyo.

Cabdiwali Shiikh ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu safarkooda yahay ayna ka qayb galayaan shir ka furmaya magaalada Muqdisho loogana hadalayo doorashooyinka Soomaaliya oo ay ku casuuntay beesha caalamka iyo madaxda dalka.

Wuxuu sheegay in marka uu shirkaas soo dhamaado dib ay ugu soo noqonayaan deegaamada Puntland iyagoo markale la tashiyo la samaynaya qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland.

1-132-123-114-105-106-97-58-5

About The Author