Madaxweyne Gaas & wafdi uu hogaaminayo oo Xamar u duulay

24 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Saaka, oo ah Axad 24 Jan 2016, u ambabaxay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas iyo Waftigiisu waxay ka qayb gali doono Shir lagu go’aamin doono habka lagu salayn doono Xildhibaanada labada Aqal ee doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo Agoosto sanadkan.

189-9

Madaxweyne Gaas oo Saxaafadda la hadlay intii uusan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ka hadal shirka ay Muqdisho uga qaybgalayaan, wuxuuna ugu horrayn sheegay inay shirkaas ka qaybgalayaan oo ay ku soo bandhigi doonaan aragtida siyaasiga ah ee Shacabka Puntland oo ah in wax lagu soo xulo habka deegmooyinka.

Dhanka kale Gaas ayaa waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay inay dowladooda ku kalsoonaadaan oo aysan dhagaysan hadalada dad dano siyaasadeed wata oo doonaya inay shacabka marin habaabiyaan.

Shirarkii kan ka horeeyey oo lagu qabtay Xamar iyo Kismaayo ayaa laysku afgaran waayey qaabka doorashada lagu salaynayo,iyagoo dhinacyada Puntland iyo Jubbaland doonayeen habka degmo in doorashada loo qabto, halka dowaldda fadaraalka, Gal-mudug iyo Koonfur galbeed ay taageersan yihiin Nidaamka 4.5ka.

Puntlandes.com

About The Author