Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo Mooshin ka dhan ah laga wado Baydhabo
24 Jan 2016 (Puntlandes) Wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 72 xildhibaan ay qorsheynayaan in mooshin ka dhan ah Shariif Xasan ay hordhigaan kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka KGS.
Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Mooshinkoodu uu ku qotomo la xisaabtanka Madaxweynaha Maamulka KGS Shariif Xasan Sheekh oo ay sheegeen inuu isku koobay awooda Maamulka Koofur Galbeed iyo arrimo ay ka md yihiin in wax laga weydiiyo ammaanka iyo isdabamarin arrimaha dhaqaalaha.