Madaxweynaha KGS Shariif Xasan maanta Booqasho ku tagay Degmada Xudur
24 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha KGS Shariif Xasan ayaa maanta Booqasho ku tagay Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Madaxweyne Shariif ayaa halkaasi u tagay si uu wax uga ogaado xaalada degmada, iyadoo ay tahay markii u horaysay ee uu booqda Degmo ka mida Gobolka Bakool oo qaar ka mida Degmooyinkii looga dhawaaqay maamul ka madax banaan kiisa oo la magac baxay Bakool Sare.
Dhanka kale booqashada madaxweynaha ee Xudur ayaa kusoo aaday xili ay gaareen magaalada Xamar madaxweynayaasha Puntland Gaas iyo Jubaland Axmed Madoobe.
Lama oga inuu madaxweyne Shariif ku biiri doono labadaas madaxweyne iyo in kalae.
Puntlandes