Sawirro: Madaxweyne Gaas & Wafti Ballaaran oo uu hoggaaminayo oo u duulay Muqdisho
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo isugu jira labada gole ee Dawladda iyo xubno metelaya ururada bulshada rayidka ah ayaa maanta 24-Jan-16 ka amba baxay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyagoo kusoo jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka dhoofin garoonka caalamiga ah ee Boosaaso ayuu war-fidiyeenada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka isagoona ka warbixiyey ujeedka safarkiisa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay ujeedka safarkiisu in uu salka ku hayo inay magaalada Muqdisho kaga qayb galaan shirarka looga hadlayo aayaha soomaaliya iyo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markale ku celiyey in ay madasha shirka geyn doonaan aragtida shacabka Puntland ee ku saabsan nooca doorasho ee ugu suurtagalsan xilligan dalka in ay ka qabsoonto si loo helo dawlad soomaaliyeed oo sax ah oo ku timaadda metelaada shacabka taas oo ah in qaab DEEGAAN wax lagu soo doorto.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Madaxmed Cali Gaas ayaa uga digey shacab reer Puntland siyaasiyiin warbaahinta qaybeheeda kala duwan kasheegay warar aan sal iyo raad lahayn si’ay bulshada u jaah wareeriyaan waxaana uu ku tilmaamay siyaayiin ku fashilmay siyaasadda kadiba doona in ay bulshada majara habaabiyaan
“waxaan rabaa in aan idiin sheego niman siyaasiyiin ah oo fashilmay oo beryahan idaacadaha ka hadlayey oo doonayey bulshada in ay jaahwareeriyaan beena u sheegaan, waxaan u sheegayaa shacabka reer Puntland in ay ku kalsoonaadaa dawladdooda iyo madaxdooda” ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Madaxamed Cali.