Maqaal: Madaxwayne dawladnimo ka door biday qabiil iyo dal aan caasimad lagu shaqayn karo lahayn

Wali soomaali ma furin wada hadalkii ahaa halkee soomaaliya u noqonaysa caasimada cusub? laba soomaali haysata madaxwayne dagaan ka doortay qabiil oo ladirirsan ilbaxnimada iyo dawlad nimada iyo dhibaato haysata dawlad kasta oo la dhiso halkay ku shaqayn lahayd ,maadaama mogdisho suuro gali wayday isku day farabadan kadib.

 192-7
Dalka soomaaliya waxa uu kuyaal geeska afrika.waa dal hodan ku ah beerashada,xoolaha la dhaqdo.lehna laba badood.waa dhul wayn oo leh istiraatiijiyo isku xirta afrika iyo carab. waxa uu leeyahay shidaal iyo macdan kala duwan.
185b
Xoriyadiisa waxa uu helay 1960 asagoo ka helay reer yurub oo guumaysan jiray. shacabka soomaaliyeed waxay udoorteen casimad xiligaa MOGDISHO.casimada labaadna HARGAYSA halka casimada sadexaad laga dhigay KISMANYO. nasiib daro codkii lasiiyay MOGDISHO waxaa burburiyay dagaaladii sokeeye oo ka dhigay hooy ibliis iyo xero dhiig lagu xasuuqo dad iyo duunyaba oo maqaayada liido hada u danbayso  waxay noqotay aag ka caagan nabada iyo samaha taasoo ay sabtay inay isku bahaysteen beel soomaaliyeed oo ka soo hayaamay gobolada dhexe iyo mogdisho nawaaxigeeda oo isku hal beel ah. kuwaasoo kusugan mogdisho 25 sanadood. waxaan mudadaas daganayn oo kamaqan casimadii hore ee soomaaliya mogdisho dhamaan beelihii kale ee soomaaliyeed kuwaasoo laga baro kiciyay guryahoodii wixii kabad baaday dagaalkii sokeeye ee mogdisho dadkani waxay ku noolyihiin gobolada dalka ee ay kasoo jeedeen intaysan soomaali udooran mogdisho caasimad ka hor.Dhamaan iskuuladii jamacadihii xarumihii dawlada ee ay wada lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo hantidii gaarka ahayd wixii burburkii ka haray waxaa haysta halbeel,nasiib daro iyadoo xal la baadi goobayo ayaa loo doortay 3 madaxwayne oo beeshan ah si ay dadkooda iyo wiilashooda hubaysan wax uuga qabtaan. balase waxaaba soo baxday in ay lasafteen oo qayb kayihiinba in mogdisho aysan helin wax nabad ah dawladina ku shaqayn karin tanoo kayaabisay wax garadkii soomaaliyeed.

Shacabka soomaaliyeed haday dareemeen in dhibkuba yahay dalku la dagi layahay caasimad la aan!!! alyacni majirto casimad dawladi ku shaqayso.dawladi waxay ku shaqayn kartaa meel nabad ah leh shacbi taageersan dawladooda oo lashaqeeya sida SOMALILAND IYO PUNTLAND IYO JUBALAND dawladooda shacabku ula shaqeeyo oo utaageeraan tanoo macnaheedu yahay 3 daan maamul midna ma shaqeeyeen hadan shacabku rabin. shalay raysal wasaare saacid oo aan dhaafi karin madaxtooyada oo ay ku ilaaliyaan ciidamo ajinabi ahi ayaa ku baryootamayay saad wada daawanayseen iskuulada halaga baxo oo baaq ah ma bixin karin  amar magaladana ma dhexmari karin maanta kuwa joogaana waa uun la mid.wasiiradiisa majirto nin leh xafiis wasaaradeed iyo meel loogu soo hagaago waxay wada joogaan xafiiska raysal wasaaraha oo ah madaxtooyada una ah hooy uu seexdo halkaasaa lagu sheekaystaa laguna qaybsadaa hadii mucaawimo la soo helo. maxaa yeelay way arkaan in dawladi ku shaqayn karin mogdisho.taasi sidaas ayay ahayd.
194-4
Waxaa la ogaaday in somaliya ay xili aad u horeeya dagi lahayd tusaale ahaan haday casimad ka dhigan lahaayeen HARGAYSA say shalayba uga dhigteen MOGDISHO maxaa diidaya ama magaalo kalaba dhulka miyaa inagu yaraaday? waxaa markaa hubaal noqon lahayd in safaradihii iman lahaayeen,shirkadaha ganaacsigu iman lahaayeen dalxiisku iman lahaa dawladuna ku shaqayn lahayd si caadi ah oo nabad galyo ah iyadoo aan cid ajinabi ahi ilaalin.waanasiib daro in qarankii soomaaliyeed ubaabasan yahay,usharaf beelsanyahay,caalamkii uu uga haray sabab ah caasimad la aan. dal dhan oo dagi la mudo rubuc qarni ah sabab caasimad malaha ay dagaan oo dawladi ku shaqayso.garana waaye war kaguura mogdisho si dalku udago oo soomaali u hesho dawlad iyo kala danbayn miyaydaan arag in dawlado farabadan badaleen casimadoodii sababo jiro awadood. mawaxaynu leenahay in caasimad meeshii mar loo doorto laga badalo waxay keenaysaa diintoo laga baxo? mise caasimad labadalaa madaxeena ka wayn mise aduunkaa inagu qasbi kara halkan uun casimad haydiin ahaato?

Aduunku soomaaliya danbuu kaleeyahay balse magaalooyinkeeda iyo tuulooyinkeeda makala jecla meeshay caasimad ka dhigtaan waa loogu tagi cilaaqaadkuna kasocon, waa arin utaal soomaalida dhexdeeda dalkeedana iyagaa leh.caalamkuna wuu fahmi karaa casimad labadalo madama ay iyaguba badalaan nina kuma oronkaro maxaad soomaaliyeey ubadasheen casimadiina.magicii soomaaliyeed iyo qaranimadii waxaa lagu baabi iyay mogdisho soomaaliyeey hadaad wax kasaysaan.

Yeey iyo lo`gisi ayay hooy u noqotay,waxay noqotay meel qofka bani aadamka ah marka ladilo hadana maydkiisa lala ficiltamo oo la jiid jiido mayd muslim iyo mid gaalba taasoo diin iska dhafe aan ku haboonayn banii adnimada iyo aqliga saliimka ah. maanta waxa ka dhacay mukhaayad ku taal liido oo xasuuqa ahi maha mid ku cusub mogdisho waa joogto.dawladi inay ku shaqayso mogdisho qarnigan waa midaan loo fadhiyin sidaa daraadeed soomaaliyeey aan is daba qabano si aayaha ubadka soomaaliyeed u helaan dadnimo sharaf iyo dawlad nimo, oo ay asaagood iyo caalamkaba wax ula qaybsadaan. hadii kale waxaan noqonaynaa isuma taliso aan qaran istaahilin kadibna kenya iyo eithiopia ayaa laynoo kala qaybin oo xal laynooga dhigi ah mahanankartaan dawladnimo soomaaliyeey sidaa daraadeed bad baaday idiin tahay in labadan dal oo walaalihiin ah laydin kala raacsho si aad u noolaataan oo bani aadmiga ula mid noqotaan.waa lay nagu oran karaa sidan hadaynaan is daba qaban.
194,-4a
Si aysan tani u iman dalka aan bad baadino oo aan abaaro halka inoo diidan dawlad inaynu ahaano oo ah MOGDISHO oo dagaaladii sokeeye kadib noqotay hooy beeli ku habsatay beeshaas oo aad u hubaysan wax nidaam ahna aan doonaynin iyo dawlad nimo qarnigan.hadaba xalku saw maha in soomaali dib isugu noqoto oo tashato halka ay ka dhigan lahayd caasimad xataa haday diidaan casimadii labaad iyo sadexaadba.hada waad aragtaan oo waxaa layna leeyahay dawlad kumeel gaara waad kabaxdeen,hadana waa aragnaa in uu san jirin hal wasiir oo ku shaqaynaya wasaarad u adeegaysa dalka iyo dadka magaalada mogdisho.dawladii malaha xafiisyo ay ku shaqayso oo madaxdu kama bixi karaan madaxtooyadaa ajanabigu ku ilaalinaya. waa aragtaan oo madax Wayne  xasan sheekh waxaa ilaaliyo ajinaba,halmaalin oo uu amaanka mogdisho u kacay oo wax ka qabtayna majirto,mana isku hawlo in uu magaalada hubka ka aruursho oo nabadeeyo maxaa yeelay isagu daacad kama aha in mogdisho nabadawdo qayb ayuu ka yahay fawdada inay socoto,isaguna amaankiisa waa la sugay lacagna waa helaa,dibada in uu u dhoofana waa ufurantahay markaa waa maqsuud dantiisa gaarka wuu haystaa suu isleeyahay. xasuuqa iyo amaan darada ka jirta mogdisho waxba kama uu qabto dana kama laha maadaama uu raacsan yahay nidaamkaas dawlad la aanta ah dhabtu waa sidaa. isagu maha nin uqalma oo ah madax Wayne soomaaliyeed iyo masuul u shaqeeya qarankiisa waa wada aragnaa mar haday sidaa tahay yaa la rabaa in uu mogdisho nabadeeyo???

     Gunaanad

188-3
Kama aqbalayno madaxwayne xasan in uu kolba yimaado meel shacab soomaaliyeed lagu xasuuqay,isagoo iska dhigaya si aan loo fahmin in uu ka naxsan yahay waxa dhacay!! maxaa yeelay dadka dadka xasuuqayaa maalin walba waa ilaamdeeradii ladagan magaalada kama iman cirka!! dadka mogdisho ku xasuuqa maalin walba shacabka iyo xubnaha dawlada magaalday dagan yihiin waana dad la yaqaan mana jirto cid qabataa!! taariikhda soomaaliyeey bal aad ugu fiirsada miyaad wali aragteen madaxwayne xasan oo u tafa xaydan sugida amaanka caasimada soomaaliyeed mugdisho? miyaad aragteen isagoo reerkiisa ku leh hubka iska dhiga,oo ku samaynaya hubkadhigis ileen wuu haystaa ciidan ku filan ee? macnuhu waxaa weeye dhibkuu qaybkayahay waana nasiib daro haysata soomaali iyo shacabka mogdisho gaar ahaan.hadana dhibkale ayuuba keenay oo soomaali ayuu rabaa in uu ku sii hayo 4.5 oo qabiil iyo qabyaalad xeer uuga dhigo.waxaaba yaab ah in uu sidaa oo ay tahay uuba doonayo in uu dalka markale ka noqdo madaxwayne!!!!! ninka soomaaliyeed ee raba nin qabyaalad ku qubaystay oo la soo taagan yuu yahay? dadku sow dagaan maha qaran ah oo walaalo ah oo soomaali ah waa maxay qabiil baa tihiin ayadoo la marayo 2016 dunidu horumartay.sow maha nin gumaysi ku shaqaysanayo oo wakiil uuga ah gumaysiga in uu burburiyo soomaali oo ka dhigo qabiil iyo dawlad la aan.kayeeli mayno isaga iyo gumaysiga soo dirtayba.waxaanahay dad soomaaliyeed oo leh dhulka soomaaliya in aad qabiil nookala qaybisaan oo tiraahdaan dawlad ku dhista qabiil oo isku doorta waa diidna soomaali diiday taas. arinka caasimada hadaan usoo laabto.
Dhibka 25 sanadood dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed loo waayay waa casimad la aan kadib markii dagaaladii sokeeye ay caasimadii ku habsatay beel daganayd nawaa xiga casimada una habar wacday qaybahooda dagan gobolada dhexe kuwaas oo ah shacabka kaliya ee mudadaas mogdisho dagan sifahaas iyo raadkaa xuna ku suntay.dhab ahaana sidan iyagana dan uuma aha soomaalina oo dhana dan uma aha.Badaw nimada iyo aqoon yarida ama nolosha oo ay sixun o dooneen ayaa waxay keentay inay ka fiigan kana fogaadaan amase sasba ka qaadaan erayga dawlad iyo maamul. colbay u noqdeen qofkuna wuxuusan waxba ka garanayn colbuu ku noqdaa.si iyaga loo bad baadiyo ugu horayn qarankuna u bad baado oo dawlad shaqaysa markiiba u helo waa in la helaa magaalo dawladi ku shaqayn karto. dawladan hada madaxda uu kayahay madaxwayne xasan waa aragnaayoo waa uun magac wax jira maha balse waxa saa u liitaa haday heli lahaayeen magaalo ay xafiisyo ka furtaan oo ku shaqeeyaan waxay noqon lahaayeen dawlad rasmi ah oo shaqaysa oo matali karta shacabka soomaaliyeed iskaba daa kuwo ka aqoon iyo maamul wanaagsan ee. qofka soomaali uugu liita hadaynu madax wayne ka dhigano laakiin uu haysto magaalo nabad ah shacab ogolna ay joogaan wuu shaqayn lahaa si caadi ah. hadase ninka ama maamul uugu fiican hadii lageeyo mogdisho muxuu kaqabankaraa? sida ciidamo shisheeye uuga ilaalinayaa horarka mogdisho ku nool yaa waqtigii ka dhacayaa.dhab haloo wada hadlo soomaaliyeey runtana yaan layska indho tirin raganimaa larabaa iyo rag u kaca qaranka away aqoon yahanadii? away culimadii? away haweenkii? away wadanigii? soomaaliya godka ay kusii dhacayso ka bad baadiya kaliya waa NEW CAPITAL CITY CASIMAD CUSUB oo la yagleelo.fiiro gaara casimad reer malaha sida dadka qaar hada moodeen.hadii la guurana reer lagama guurin reera looma guurin ee waxaa yimid duruufo dhab ah oo lagu qasban yahay. xalbaana u araagnaa sidan waana aragti xaqiiq ku qotanta cidwalbana dan u ah oo soomaaliyeed.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

About The Author