Sawiro: Safiirka Imaaraadka Carabta oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Waftigiisii
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisii ayaa Caawa 24-Jan-2016 kulan casho ah oo uu u sameeyey safiir Imaaraad Carabta u fadhiya soomaaliya kaga qayb galay xarunta Safaaradda waddanka isugga imaaraadka carabta ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya soomaaliya aya kulan kooda ugu wada hadlay xaaladda guud ee dalka soomaaliyaa iyo tan Puntland, sidoo kale waxay isla soo qaadeen arrimo la-xiriira aayaha soomaaliya iyo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.
Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ku ammaanay madaxweynaha Dawladda Puntland isbedellada horumarineed iyo nabad gelyo ee uu ka hirgeliyey Puntland mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee xawliga ku soconaya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Safiirka casho sharafta uu u sameyey, isagoona ku ammaanay Safiirka Imaaraadka sida ay dawladdiisu u garab taagan tahay guud ahaan soomaaliya gaar ahaana Puntland oo ay ka caawiso ladagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariic kale.