Abwaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo loo dhaariyay Baarlamaanka DFS

25 Jan 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha kooxda Qeylo-dhaan Cabdi Shire Cayaar-Jecel ayaa loo dhaariyay in uu ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya iyadoo maanta lagu dhaariyey kulan uu yeeshay Baarlamaanka DFS.

195-7

Abwaanka ayaa lagu bedelay Muuse Sheekh Cumar oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka oo isaga tegey xubinamadiisa.

Abwaan Ciyaar-jecel ayaa nasiib u yeeshay in uu maanta ka qeybgalo kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka uu ku yeesho xaruntiisa rasmiga ah bilooyin kadib.

Guddoomiyaha kooxda Qeylodhaan ayaa ka mid ahaa fanaaniin hore uga tirisay baarlamaanka heeso lagu dhaliilayo, hase yeeshee haatan ayuu abwaanku xubin ka noqday baarlamaankii uu hore u dhaliilay ugana soo saaray hees caan noqotay “XIldhibaanimow Xaal Qaado.”

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa noqonaya fanaankii ugu horeeyay ee loo dhaariyo xubinimada baarlamaanka kadib Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo iyadoo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka lagu diley magaalada Muqdisho

About The Author