Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo kormeeray Maxkamadaha Gaalkacyo

26 Jan 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Maxkamadaha magaalada Gaalkacyo oo iskugu jirta mid heer Gobol iyo mid heer Gegmo.

9

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa mid mid u galay xafiisyada ay ka kooban tahay Maxkamadda Gobolka isagoo warbixin ka dhagaystay xeer ilaalinta Maxkamda Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Gaalkacyo, Iyagoo u soo gudbiyey baahiyaha ay qabaan uguna horaysa kala qaadka labada maxkamadood.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo halkaas ka hadlay ayaa mas’uuliyiinta u sheegay in xogta ay ka heleen Maxkamada ayna ugu horaysa Cabashooyinkooda in ay wax ka qaban doonaan una gudbin doonaan Hay’adaha ku shaqada leh.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa ku booriyey mas’uuliyiintii halkaas ku sugnayd  inay wadashaqayn buuxda ay yeeshaan qaybaha kala duwan ee Garsoorka Gobolka Mudug, kan Degmada iyo maamulka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha ayaa intaas ku sii daray in sidoo kale ay xiriir wadashaqayn oo buuxda yeeshaan laamaha amniga iyo Garsoorka Gobolka Mudug.

Booqashadaan uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug booqday xarunta Maxkamada Gobolka ayaa noqonaysa midii u horaysay uu ku tago tan iyo markii xilkan loo magacaabay dhamaadkii sanadkii hore 2015.

Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow


Puntlandes.com

About The Author