MAQAAL: RAG RABA IN AY DHISAAN DAWLAD SOOMAALIYEED IYO BADAW HORTAAGAN RUBUC QARNI

196-6

Waxaan cod sanayaa in umada soomaaliyeed hadlada xigmada leh ee aan sheegi doono ay u lahaadaan fiiro gaar ah iyo dhug oo ay dhuuxaan. waxaan caday nayaa in cidkastaa aysan noqon karin madaxwayne ama hogaamiye,laakiinse way imankaraan kursiga loogu talagalay hogaamiyaha saxda ah ee umadi u baahantahay. tusaale waxaan aragnaa maanta in kursigii hogaanka dalka uu fadhiyo madaxwayne xasan sheekh,ma inkiri karo oo wuu yimid sabab kasta haku yimaadee,waana ugu yeeraynaa inta uu xilka hayo madaxwayne. balse markii xasan shaqo galay oo shacabku sugayo halka uu u jiheeyo dalka iyo sida uu wax uuga qabto hawsha loo doortay,ee aan aragnay,hogaamintiisa,hab dhaqankiisa,aqligiisa,kartidiisa,fahamka dawladnimo,cadaaladiisa,wadaniyadiisa,shaqadiisa,ayaan garankaraa in uu yahay madaxwayne hogaamiye ah iyo in uu yahay nin yimid uun kursigii hogaamiye loogu talo galay.Tan macnaheedu waxaa weeye maha madaxwayne,mana aha hogaamiye laakiin kursigii loogu tala galay hogaamiye iyo madaxwayne wuu fadhiyaa.Sikale hadaan u sheego ninwalbaa madax Wayne ma noqonkaro iyo hogaamiye haba loogu yeedhee.

 

196-7

Horaantiisii xasan sheekh umada soomaaliyeed maysan aqoon,laakiin maanta qofkuu yahay waalayaqaan isagaana isa soo bandhigay.waxan aragnay talaabadii uugu horaysayba isagoo,shacabkii ku inkiray hadal cad oo duuban kaasoo uukaga hadlay balad Wayne isagoo yiri” majiro dawlad dibdanbe maamul idiinku dhisi kartaa sidii hore laydinku samanjiray,idinkaa dhisanaya dawladuna shaqo kumalaha waa u madax banaan tihiin” intaas oo jirta ayaa Jubaland state la aas aasay markaasu yiri “ma dhisan kartaan maamul dawladaa idin dhisaysa” oo uu hor istaagay siday la ahayd. hadaba in uu balad Wayne iyo jubaland sidaa ula kala hadlaa dhiba malaha oo cadaalad xumidiisaa keentay tani yaab malaha.

Waxaase umadii soomaaliyeed kayaabiyay markii la waydiiyay madaxwayne maxaad balad Wayne sidaa ugu tiri jubaland aad sidan u leedahay? waxa uu ku jawaabay “Ma dhihin been aa layga faafiyay!!!” wuu dafiray oo inkiray markaas ayaan ogaanay,dhawr arimood uu yahay,oo sidan ah.

1.iskuma kalsoona oo wuxuu yidhi yuukacabsanayaa hadana.

2.Beenale haduu jiro isaga weeye aan hadal run ah aqoonba

3.Doqon aan fahmi karin in bulshadu wada daawanayso ficilkiisa iyo hadalkiisa oo ay qorayso

4.Malaha xishood. iimaan iyo xumaha ka sariigo umad baad u tahay madaxwayne oo ku eegaysee

5.Ma uugaranayo shaqadiisa iyo waxa uu yahayba isma yaqaan

Intan oo dhan in uu yahay maalintaas ayaan baranay,taa macnaheedu waxaa weeye maanta beenta uu hurgufayo la yaabimaayo iyo in uu yiraahdo kismaanyo ayaan ku heshiinay,taasoo haday dhacday aanba shirka maanta arintaa looga hadleen hadiiba hore loogu heshiiyay.

196-11

Aqoonta la hafray ayaan xaal wayn siinayaa,waxay ina leeyihiin xasan waa jaamici!! ma diidayo in uukasoo baxay jaamacad waloow aanan xaqiiq haynin,balse waxaan leeyahay waa fadhiyay fasal baa la arkaa casharkase mafahmay? shahaado waa sitaa macnahadeeda ma fahmay? maya baan leeyahay maxaa cadayn ah waxaa cadayn ah cilmigu sidiisaba hadii uu kaa reebi waayo mugdiga oo uu kutusi waayo iftiinka nolsha,sida kele hadaan u iraahdo oo uu kaa aragti duwi waayo kan jaahilka ah ee mugdiga kujira ee aan aqoonta lahayn balse aad isku mid noqotaan oo siduu ufikirayo aad u fikirto markaa ogoow in aadan cilmi lahayn ee aad wali tahay jaahil waynaaday. cilmigu waa in uu fahamkaaga kordhiyaa oo ku tusaa hormarka iyo ilbaxnimada waxna ku taraa.

Maanta xasan sheekh isagoo caalamkii muslim iyo gaalo iyo umadii soomaaliyeedba hor fadhiyaan isagoo ah madaxwayne qaran in uu lasoo taagnaado yahoow qabiilaan rabaa!! macnahdeedu waxaa weeye in uu yahay wax yasan dhab ahaan. waxaa intaa dheer in uu beentiisii lagu yaqiinay oo soomaali ku taqiinay in uu caalamkii ka hor sheego oo ragii shirkii kismanyo la shiray oo hor fadhiya yiraahdo kismaanyo waxaan ku heshiinay 4.5 iyo waa heshiinay waa arin isaga iska dhaafe soomaali oo dhan u ah sharaf dhac iyo damiir xumo iyo masuulaydba in aan meesha ool.waa ceeb tii u danbaysay hadii cid uun ceeb ka danqanayso. xasan iyo bahdii waxay la hareen soomaaliya rubuc qarni walina marabaan in laga baxo dawlad la aanta oo lahelo dawlad shaqaysa.kama xishoodaan waxay hada sixiixeen oo duuban oo gaalo iyo muslim soomaali uwada jeedo in hadana uu yiraahdo aniga ma ahayn ee mid ii eg baa sixiixay.maha dad axdi iyo balan aad dhigateen sixiixdeen dhawraya waxaana u danbaysay heshiiskan garoowe1 iyo garoowe2 oo ay hada dafirsanyihiin waxaase yaable in hada ay nala hor fidhiyaan heshiis aan kala sixiixano!!! maha dad xil iyo masuuliyad qaadi kara waxaabad moodaa sida iyagooba ah bahaahin!. lasoco bahaahinku haduu wax haleeyo waxkasoo qaad malaha.maxaayeelay waa bahaahin.

189-9

Dr Abdiwali  Madaxwaynaha DAWLADA PUNTLAND waa nin ka dayar madaxwayne xasan sheekh laakiin waanin leh aqoon banaanka taala oo ka muuqata oo lawada arko,waanin ka soobaxay jaamacada aduunku uguu caansan kana mid ah kuwooda uugu horeeya dalka america Hardvard University. Dr Gaas waa nin leh khibrad garankara lana jaan qadaya caalamka hormarka ka socda,waa nin wadani ah jecel soomaaliya. hormariyay oo sare u qaaday dawlada puntland.waa nin aan nina kayeelaynin waxaan aduunkaba looga dhaqmin oo ah 4.5 oo wax magarato aan dawlad aqood ahayni keeneen soomaaliya. caalamkuna mafahmayo mana aqoonsana qabiil dawlad ah aduunku nina kuulama imankaro qaado 4.5 waayo iyaguma kuma dhaqmaan sharci haga iyo nidaam loo raacana maba laha aduunka. markaa waa khiyaali iyo dhumin qaranka soomaaliyeed la dhuminayo Dr gaasna waa nin waxbartay mana uu yeelayo. markaa waa in shahaadadisa caalamiga ah ku hor jeex jeexaa caalamka hortiisa hadiiba aysan aqoontu waxba tarayn.suura galmaha indr gaas aqoonta la dagaalamo sida si lamid ah suura galmaha in uu aqbalo kuwa ladagaalamaya aqoonta.adeer 2016 ayaa lamarayaa nina naguma sanduleeyn karo dawna noogumalaha in uu nagu dirqiyo wax aan aduunka hada ka jirin oo qarniyaal iyo facyaal hore bilawgii aadanaha laga soo gudbay nina kayeelimayno dalkayagana anagaa iska leh dawlanimaana rabanaa,shacabka iyo umada uu madaxda u yahayna waa dad ilbaxnimo fog leh mana yaqaanan wax layiraahdo qabiil dawlad ku noqo mana yeelayaaan. waa mahad sanyihiin madaxda iyo dawlada iyo shacabka wadaniga ah xadaariga ah ee puntland. puntland waxay u aragtaa in loo gafayo sharafka iyo karaamada umada soomaaliyeed oo laga dhigayo badaw aan jirin oo qashiin ah caalamkana aan lasoconkarinba tana yeelimayno.taariikh baana qormaysa.

196-12

Jubaland waxaa hogaanka u haya umad soomaaliyeed oo heshiis ku ah deegaan,fahmi kara deegaan leh ibaxnimo una nool sida caalamku u noolyahay.mana ku cusba dawladnimo marna ma aqbalayaan waxaan jirin oo been ah oo aan dawlad iyo qaran ku taagnaan karin oo qabyaalad iyo kani waa reer hebal kaasina waa reer hebal iyo looma dhama.mana aha wax soomaali badan keedu ogolyahay shacabka jubalnd waa hadleen waxayna rabaan in la ilaaliyo sharciga iyo hanaanka dawladnimo layska daayo qabyaalda iyo dhibaatada dagaalada sokeeye ileen hada dawlad nimaan ka hadlaynaaye.hogaamiye Ahmed waa nin aqoon leh kana soo jeeda dad aqoon leh ka fac kafac waana mahad sanyahay. sharciga iyo qaranka katanaasul aqliba maha wax la arkay oo lamaqlayna maha maxaan dawlad karabnaa hadaa?

 

 

196-13Galmudug laayaabi maayo maxaayeelay duruufaa haysta ah waxba matihid anaa ku dhisay markaa xaalkiisu waa sidaa yeel iyo waayahay uun.warbadana ma sheegi karo cabdikariin oo amaa la arkaa gobolka iyo nuska ayuu isleeyahay taagaas oo ay tahayba.waa ninkii tuug sadaha ahaa yee nin u dhiibay xili lacagtu qiimo badan lahay oo tuug sadaha lasiin jiray 1 ganbo ama kumi uu siiyay 20 shilin dabadeedna tuugsadihii orod is dhigay isagoo isleh waa laguu waashee amaa lagaala noqdaa labaatankan shilin sidani maba dhici kartee!! isagu illahw indha dadka iga jeedi bay ka taagan tahay. markaa war malaha.halagaaro markuu wax noqdo.

 

 

 

 

196-14

Koonfur galbeed waxay kudoodayeen 1947 in soomaali noqoto fadaraal oo deegaan wax ku qaybsato xiligaa soomaali dagaan way ogalaadeen laakiin baahi fadaraal ah maysan jirin iyo dagaalo sokeeye sida maanta  sidaa oo ay tahay maanta waxay la taagan yihiin qabiil ayaan  rabnaa!! hadaba dhibku maha dadkaas ee waa hogaankooda oo noqday nin looga arimiyo mugdisho oo ah lahayste siyaasadeed oo xabisan. waxaana uugu wacan lacag 7500,000 doolar ayaa laga hayaa,laba gurina dibadaa looga gaday waa loo hayaa marka shariifka xoolihiisa oo dhan si kasta haku soo galeena ayaa laga hayaa,waxaa intaa dheer caruurtiisii iyo xaasaskiisana waa loo hayaa markaa dan dadka uu masuulka ka yahay ma qaban karo.markaa markii sharaf ay isdhaafiyaan waxaa cad in aysan yeelaynin 4.5 iyo wax soomaali udiidaya dawladnimo in ay gaarto waana dad wanaagsan dadkaasi laakiin madaxdoodii ayaa dhaqaale siistay waana dhibaato.taladooda dhanba xasan baa iska maamusha oo lugooyo ku haya umadaa soomaaliyeed ee dagaanadaas dagan wuuna la haray si xun.waase kabixi doonaan inshaa allaah mar dhaw.

    Gunaanad

Waaku ogayn madax waynaha in uu yahay anagoon ku xad gudbaynin  beenaale bal kawarama kiiyoo hadana ku darsady beentii waxaan rabaa inaynaa kabixin  4.5?meesha waxa fadhiya rag raba in lahelo dawlad soomaaliyeed oo leh dastuur iyo nidaam iyo sharci oo shaqaysa iyo niman badaw ah oo taagaan cidayda maxaa lasiiyay qabiil aan rabaa oo macnaheedu yahay in aan dawlad la helin soomaali sidaa iska ahaato.waxay la dirirayaan in dalku uusan yeelan dawlad shaqaysa. markaa kulanku waa ilbax iyo badaw dal isku haysta waa aqoon yahan iyo jaahil dal isku haysta.waa wadani iyo dabadhilif dal isku haysta.intaa kadib waaka hadalku, hadaba WAXAAD OGAATAAN SOOMAALIYEEY QABIILBA QABIILKA UU KA BADAWSAN(qashiin) YAHAY NABAD KASTOO DHACDA QORIGA WAA WATAA ILAA LAGA DILO NINKIISA U DANBEEYA. waxaan arkaa dad wadadaas haya hadaysan isdaba qaban.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

About The Author