Shaqaalaynta Qurbe-joogta iyo saamaynta ay ku leedahay Qaran-joogta.
Ayaantaan waxaa badatay cabashooyin ka´soo yeeraya Soomaalida dadlka joogta. Iyagoo muujiyey eedayn iyo cabashooyin ay ka tirsanayaan in shaqooyinkii ay iyagu xaqa u lahaayeen ay si sahal ah ku qaataan Soomaali qurbaha ka timid. Kuwaas oo ay weliba tilmaamaan in ay keentay tayo xumi ku timaada shaqada, maadaama, waa siday hadalka u dhigaane, aysan lahayn aqoon ku filan oo kusaabsan dadka iyo dalka ay shaqada u hayaan. Anigoo arrinkaas ka duulaya baan rabaa in aan iftiimiyo waxa ka jira eeddaas. Si aan middaas u iftiimino, waxaynu u baahnaanaynaa in aynu is weydiino, waxay tahay shaqo iyo cidda ay tahay in ay qabato.
Waa maxay Shaqo ?
Taariikhiyan, marka af-soomaali lagu fasiro, waxay buugaagtu siisay micnahaan, Shaqo waa wax aad ku khasbantahay in aad samayso si aad u jirto. Ereygu, wuxuu xanbaarsanyahay micne xun (negative), waxaana ku jira, khasab, khatar iyo in jismi ahaan loo dhibaatoodo. Waxaa laga yaabaa in Soomaali farabadan markay micnahaan lagu fasiray arkaan ay qosol la dhacaan, sababtoo ah waa micne aad uga duwan, noloshooda ku salaysan isku dul noolaanta. Middaas oo sahlaysa in uu qofku iska noolaado isaga oo aan is hawlin ama bixin wax juhdi ah, haba yaraatee.
Fasiraada markaan u soo noqono, wuxuu salka ku hayaa in uu aadamuhu hawl qabto si uu u helo wax uu quuto. Ama beero ha qoto ama kaluun ha doonto ama ha ugaarsado waa fasiraadda taariikhda ah. Bulshooyin dhan baana loogu magac daraa erayadaa sida, Beeraleey, Kaluumaysato iwm.
Shaqo casriyeysan
Marka fasiraada guud lagasoo tago, waxaa casriyoobey micnaha erayga shaqo iyo qaababka loo qabt intaba. Waxaana lagu daray shuruudahaan sadexdaa.
- Waxaa loo qabtaa si abaabulan (organized) oo ama wada jir ah, ama kali ah. Waxay leedahay ulajeed iyo yool. Tusaale, guri aan damcay in aan rinjiyeeyo, isagoo qabyo ah ka tegi maayo.
- Waa wax aynu qabano wakhti dheer, taas oo naga dhigaysa khabiir, sida Alxanle, Dhakhtar iwm.
- Shaqo waxay samaysaa qiime.Tusaale ahaan qof baad, daaweysey ama wax bartay markaas baad ka qaadatay lacag, waxay samaysay qiime dhaqaale.
Mawduucu wuxuu ku saabsan yahay cabashooyin ku saabsan in shaqooyinka ka bannaan Suuqyada shaqada ee Soomaaliya in la siiyo Qurbe- joog, halkii ay ahayd in la siiyo Qaran-joogta.
Haddaba, maxay yihiin shaqooyinkaasi?.
Goobaha shaqada
Goobaha shaqadu waxay u kala baxaan labo. Shaqo Dawlad ama mid Shakhsi. Labadaba waxaa laga heli karaa shuruudo isku mid ah, sida shaqo u baahan xirfad iyo mid aan u baahnayn xirfad.
Labadaba waxaa laga heli karaa nooc shaqo oo isku mid ah. Dawladdu waxay u baahnaankartaa Alxanle, Dhaqtar, Engineer, Dhaqaale yaqaan, sharciyaqaan. Sidaas si la mid ah, waxaa jiri kara Isbitaalo si gaar ah loo leeyahay, Iskuulo gaar ahaaneed, ama qareeno sharikadeed iwm.
Sidaan kor kusoo xusnay waxaa jira shaqooyin bilaa xirfad ah, sida Nadiifiye, Xammaali, farriin qaade (mail man), nabad-doon, ergey, Xoolo-raac (Qawsaar) iwm.
Ma aha shaqooyinkaan xirfad la´aanta ah, kuwa ay Qaran-joogtu ka cabanayaan, oo kuwaan waxaa qabta ama ajaanib ka timid wadamada deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya iyo Waliba odoyaal iyo qabqable qabiil.
Shaqada xirfadleyda
Waxaa kuusoo haray Shaqooyinka aan xirfada looga maarmin. Anigoo aan ulajeedkaygu ahayn, in aan soo bandhigo Tiro-koob (statistics) Sax ah, ayaan haddana waxaan dhihi karaa in shaqooyikaas qaybtooda sida gaarka ah loo leeyahay ay u badanyihiin 99% Qaran-joogtu. Waa marka la eego inta % percentage ahaan ay ka ahaan karayeen Qurbe-joogtu. Sida badan, waxaa laga yaabaa in uu mulkiiluhu kaligiis Qurbe-joog ahaa. Halka shaqaalaha kalena ay yihiin Qaran-joog, qaraabo ama asxaab la ah mulkiilaha iyo weliba dad iyagu qayb ku leh iyo dhalinyaro inta badan socodsiisa hawl maalmeedka sharikada. Fiiri sharikadaha Xawaaladaha, Isgaarsiinta, badeecadaha, dukaamada, warshadaha biyaha, xoolo leeyda, beeraleyda, gaadiidka, waa shaqooyinka waddanka ugu badan.
Marka waxaa la dhihi karayaa, ma aha meeshaan, halka laga cabanayo, waloow mushaarka cabasho, laga muujin karo.
Shaqooyinka Dawladda
Waxaa kuusoo haray Shaqada dawladda oo iyaduna u kala baxda laba qaybood oo kala ah rayid iyo Ciidan.
Ciidanka noocyadiisa kala duwan, military, Police, sirdoon, dawlad hoose, asluub, waxaa ka shaqeeya 100% Qaran-joog. Marka ma aha meeshaan halka ay cabasho ka imaan karto. Sidoo kale mushaarka waxaa ka imaan karta cabasho xoog leh.
Waxaa kuusoo haray shaqaalaha rayidka ah ee dawladda. Shaqooyinkaan waxaan u kala qaadayaa Xirfadle iyo maamule. Sida badan midda ku saabsan xirfadda, sida dhakhaatiirta iyo kalkaaliye caafimaadka, isbitaalada, MCH iyo ODP waxaa qabta Qaran-joog aqoon kororsi loogu diray dibada ama wax ku bartay dalka gudihiisa. Waxaana jirta in haday helaan Xirfadle Qurbe-jaag ah in ay u arkaan wanaag iyo aqoon kusoo korodhay.
Waxaa iyana sooraaca Macalimiinta skuulada oo intoodaba badan ay yihiin Qaran-joog, wata tilmaamaha dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaashooda. Waxaa soo raaca macalimiinta waxbarashada sare oo Qurbe-joog u badan, laakiin sida dhakhaatiirta oo kale, looma arko xumaan iyo in ay shaqo qof kale xaq u lahaa boobeen ee waxaa loo arkaa wanaag soo kordhay. Midda kale waxaa muran geli kara in ay yihii goobaha waxbarashada sare yihiin kuwo si gaar ah loo leeyahay iyo in ay yihiin goob shaqo dawladeed.
Shaqada maamulka Dawladda.
Shaqada maamulka dawladda ayaa noqonaysa meesha kaliya ee uu muranku ka jiri karo, in lagu ciriiriyey Qaran-joogta.
Waxaa xaqiiqo ah in wixii ka hooseeya agaasime guud in ay si aan muran ku jirin u haystaan Qaran-joogtu. Taas oo ka dhigaysa in ay Qaran-joogtu yihiin, gundhiga socodsiinta hawl-maalmeedka wasaaradaha iyo hay´adaha dawladda. Gudoomiyeyaasha gobolada iyo shaqaalaha goboladana, waxaa la dhihi karaa dhamaantood waa Qaran-joog.
Haddaba waxaa caddaan noqonaysa in meesha la isku haystaa ay tahay, goleyaasha wasiirada iyo agaasimeyaasha guud iyo inta badan shaqaalaha madxtooyada.
Ma xaq baa marka doodda Qaran-joogtu, misse saxbaa, in dadkaas Qurbe-joogtaahi ay ku fashilmeen shaqada loo dhiibey?
Waa dhab in shaqooyinkaani ay u baahanyihiin aqoon iyo waayo aragnimo. Sideedana waa caddaan in waayo´aragnimada shaqadu ay muhiimad weyn uleedahay socodsiinta hawsha. Soomaalidu inteeda badani waxay qiimeeyaan oo keliya in qofku haysto shahaado jaamacadeed oo keliya. Middaas bayna eegaan marka la magacaabayo shaqooyinka (kuwa hoose oo dhan iyo qayb kuwa sare ah). Qofka la magacaabayaa ama ha ahaado Qaran-joog ama ha ahaado Qurbe-jooge, waxaa si siman loo eegaa shahaado. Malaha, Soomaalidu (Career Development) dalacsiin uu qofku ku kasbado, karti iyo waayo´aragnimo shaqo, si uu u gaaro jagooyinkaan, asagoo awal meel hoose kaga bilaabay haysasho shahaado xirfadeed.
Wadamada hore-umaray, qofku markuu jaamacada kasoo boxo ma dhaci karto in uu agaasime noqdo ee wuxuu kasoo bilaabaa meel hoose. Xataa si ay shaqadaas hoose u helaan waxay ku shaqeeyaan wax la yiraahdo trainee muddo hal sano ah. Markaas bay dalacaan dhawrkii sanoba mar.
Qaran-joogtu waxay dhibta uguweyni ka haysataa in meeshii hooseysey ee uu markii hore kagasoo bilaabay Shahaado in lagasoo dalacsiiyo. Marka middaas xaq bay u leeyihiin in ay ka cawdaan waana run in qofkaasi shaqadii uu xaqa u lahaa la siiyey qof aan u qalmin, ha ahaado Qurbe-joog ama Qaran-joog.
Qaran-joogta awelba shahaado keliya la ordeysey iyagu gardarray u qaylinayaan, oo waxay u baahan yihiin in bal marka hore ay socod bartaan inta aysan ordin.
Waxaa iyana run ah in Qurbe-joog aanba shahaado haysan la siiyo jagooyinkaan ama xataa kuwo haysta laakiin aan weligood ku shaqayn. Fashilka ay Qaran-joogtu ku tilmaamaan in uu ka yimid aqoon la´aan dadka iyo dalka ah khalad bay fahmeen. Fashilku halkaas ma aha eh, waa aqoon darro ka timid dhinaca shaqada loo dhiibey oo aysan khibrad u lahayn, illeen waligood ama kuma shaqayn ama maba baran xataa.
Tusaale bal fiiri Qurbe-joogta jagooyinkaan haysta. Waxaa laga yaabaa in aad ku aragto, mid taksiile ka ahaa qurbaha, ama Xanaano caruurta lagu hayo ka shaqayn jirey. Kuwaani waaba roonaayeene waxaa laga yaabaa in aad ka hesho shaqo-laaweyaal, taagnaan jirey fadhi-ku-dirirka.
Sabab?
Raggaani waxay ku bixiyeen u ololayn, xoogaa dhaqaale ah oo ay ka urursheen Taksiga, ama dhulkii ay nadiifin jireen ama Cayrtii ay qaadan jireen, si uu qofka madaxweynaha noqday uu u soo boxo. Qaarbaa afkooda oo keliya uga qayb qaatay ololahaas. Marka meesha aqoon awelba looguma dhiibine waa ABAALGUD.
See looga bixi karaa?
Waxaa looga bixi karaa in la helo doorasho baahsan oo bulshadu ay wax doorato. Si aysan u suurtoobin in cod lacag lagu iibsado, hadhowna laysu abaalmariyo.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com