Dhagayso: Afhayeenka dawladda Puntland oo ka hadlay wararkii ugu dambeeyey ee Shirkii Xamar ku burburay
27 Jan 2016 (Puntlandes) Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Quraan jecel oo goordhaweyd Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyey Shirkii Muqdisho uga socday madaxda Soomaalida oo bur buray.
Quraan jecel ayaa si cad u sheegsy in Shirku uu bur buro uu mas’uuliyadeeda leeyahay Madaxweynaha dowladda fadaraalka Xasan Shiikh, isagoo sheegay inuu go’aamiyey doorashada in lagu saleeyo 4.5ka.
Afhayeen Qurasn Jecel ayaa intaas ku daray in Xasan Shiikh uusan go’aan kaligiis u goyn karin umadda Soomaaliyeed, isagoo yiri “go’aanka xasan kama shaqsy doono Garowe”
Dhanka kale Quraan jecel ayaa cadeeyey in go’aanka Puntland uu yahay in doorashada lagu saleeyo hab degmooyin.
Wixii war ah oo kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes