DEG DEG: Dawladda Puntland oo diiday go’aankii 4.5 ee DFS & Jubbaland oo Qaadatay

27 Jan 2016 (Puntlandes) Wararka Muqdisho kusoo dhacaya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in shirkii Muqdisho uu fashilmay oo uu burburay kadib markii wafiga Puntland ay ku adkaysteen in Degaan wax lagu soo xulo.

188-3

Isniintii 25ka janaayo ayey ahayd markii uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh soo saaray go’aan isaga ku keli ah oo uu ku sheegay in la qaadanayo habka Qabaliga ah ee 4.5 in Aqalka hoose lagu soo xulo halka Aqalka Sare lagu soo xulayo maamulada oo in isle’eg qaadanaya.

Wafdigii Puntland ayaa Qaadacay go’aankaas uu Xasan Sheekh kaligiis gaaray.

Dhankka kale waxaa aqbalay go’aanka Xasan Sheekh madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

About The Author