WAX NALOOMA YEERIYO WADANIGAA XAQ U LEH AAYO KA TALINTA GAYIGA SOOMAALIYEED.

197-2a

Taariikhdu waa mid qoran aadamuhuna uu dib u raacdeeyo si uu ufahmo waxa jira maanta. waa ku cilmi qaadasho shalay wixii dhacay maanta. waa barasho iyo is aqoonsi sumad dhigan oo cad.Gayiga soomaaliya maha meel banaan oo uu san lahayn rag oo baylah iska ah.Damicii gumaystihii dhuldoonka ahaa ee reer yurub ay afrika ku boobayeen dalka soomaaliya qayb buu ka ahaa dalalkaa la boobayay khayraadkooda,lana rabay in la gumaysto. damacaa foosha xun waxaa gaashaanka u daruuray oo diiday wiilshii iska lahaa soomaaliya.Gumaysigu waxa uu rabay in uu dhulka soomaaliyeed dhaxal wareejiyo oo u gacan galiyo duulalkale hayeeshii ragii lahaa ayaa difaacday dhulkooda oo cidwalba ka dhaariyay.axmed guray waxa uu ahaa wiil soomaaliyeed,sayid maxamed cabdulle xasan waxa uu ahaa wiil soomaaliyeed,yaasiin cismaan s.y.l iyo ragiisii waxay ahaayeen wiilal soomaaliyeed intani waa uun tusaale aan usoo qaatay qayb kamid ah uun geesiyadii soomaaliyeed ee iskala waynaa quudhsiga iyo damaca iyo in cidkale wax u yeeriso oo damacdo dhulkooda. sinjiga soomaaliyeed sifahaas ayuu lahaa waligiiba.

Waxaad dareemaysaa raga dalka difaacayay in aysan haysan,qalab dagaal balse ay haysteen wax qalab ka fiican oo ah geesinimo,iimaan isku kalsooni iyo wadaniyad iyo raganimo buuxda.waxay ogaayeen inay leeyihiin dhulka soomaaliyeed masuulna ka yihiin dhulkooda iyo taladiisaba cid ka hadli kartaana jirin markaa cid loodin kartay majirin weeye. waad ogtihiin taariikhda in diyaarado xataa lagu weeraray ragaas raganimadooda oo dhulka loogu babac dhigi waayay.

Waxaan xausustay gobolada waqooyiga soomaaliya ee hada layiraa somaliland ayaa ingiriis dadkii shiriyay oo kuyiri,xoolihiina keena oo waan idiin talaalayaa.markaa meeshaa waxaa fadhiyay beelaha halkaa dagaankoodu yahay oo isugu jira beesha isaaq,beesha harti iyo beesha samaroon oo odayadoodii loo yeeray si ay dadka uuga dhaadhiciyaan in ay u sheegaan in xoolaha la talaalayo oo cid walbaa keento xoolaheeda oo ingiriis u dawaynayo xoolaha. nin oday ah ayaa ragii ku yiri “waryaadha gaalku waxa uu rabaa in uu ogaada xoolaheena si uu cabir uuga qaato dhaqaalaheena arinbaana daba taal taas markaa yeeli mayno” gaalkii baa ku yiri odaygii oo hadlaya isagoo isleh muxuu odaygani sheegayaa kaa garab hadalayaa SHUT UP! macanaheedu yeehay aamus ama afka qabo. hade oday soomaaliyeed oo dhulkiisa jooga,oo cimrigaas uu yahay cidi ku oran afka qabo maxaad u malayn? odaygii baa yiri war inga kiciya meesha saa ragii oo dhan baa dareeray. gaalkiibaa yiri turjubaan kiisii war maxaa dhacay turjubaan kiibaa yiri malaha odaygu waa cadhooday oo hadalkaagii buu ka cadhooday. gaalkiibaa yiri shirkale ii waydii in aan isugu nimaadno oo wada hadalo raalina hayga ahaado, hadii la waydiiyay odaygii baayiri waa inoo guga danbe marka roobku curto.

Gaalkiiba yimid sanad kadib waxaa uu waydiiyay odaygii war maxaad shirkii uga kacday oo aad ka carootay? odaygii baayiri Adeer gaalka u sheeg SHUT UP! hadalkama danbayn.gaalkii baa fahmay dadka dagaanku in ay iskala wayn yihiin isaga.gaalkii waa hadlay oo sii watay hadal ah in uu caawinayo dagaanka odaygii baayiri adeer u sheeg waxaa tiraahdaa dhagtaada gacanta gali? gaalkiibaayiri sideen ugaliyaa macquulba maahee? odaygii baayiri hadaba adeer sidaas ayaan ingiriisoow warkaagu noogalayn.waana isaga tageen halkiibaa lagu kala tagay ma cidbaa la qasbi karaa.

Maanta waxaa jira soomaali ku leh caalamkaa wax qasbaaya iyo iyagaa talo goyn iyo hadalo daciif iyo adoon la lahaan jiray warkiis ah ayay wadaan,waxaa soomaaliya madax u noqday dad aad u jilicsan oo ah dadkii laga difaaci jiray shisheeyaha ayaa soo soke maray maanta. tani waxay keentay in ay isku dayaan in soomaali ay hoos geeyaan gumaystaha daciifka ah ee aan iskala waynahay dhab ahaan shalay iyo maantaba.

197-2b

Ninka aamin san PUNTLAND ayaa shisheeye qasbi oo danaha dalkeeda kal awareegi waa nin aan soomaalina ahayn soomaalina garanayn.Tusaale yar uun eeg SOMALILAND shirka ma fadhido khiyaarkooda iyo xoriyadooda ayay uga maqan yihiin haday doonaana khiyaar kooda ayay ku iman hade bal waakaase ileen waa soomaaliyee gumayste iyo shisheeye ha soo qasbeen? caqliba maha mana dhici karto. maxaayeelay soomaaliya arimaha dalkeeda iyadaa leh waa la ogol yahay talo soo jeedin xadaysan laakiin umataalo iyaga.Dadbaa moodaya in DR GAAS wax loo yeerin karo ama aaan fahan sanayn inuu  matalao dad malaayiin kor u dhaafay oo mabada leh,dadkoodu waxaysan rabin cid ku qasbi kartaa majirto hadii aduunkoo dhan isu tago wax kale daayoo.Anagase yaa na qasbi kara ma dad hada aduunku baranayo ayaan nahay,mase 25 sanadood oo dalka wax magaratadu heshay ayaa la mooday in ay noo dhamaatay!!!

197-2

Adeer Puntland waa hooyadii soomaaliya,dhulka soomaaliyana soomaalibaa leh anagoo soomaali ah ayaa katalinayna aayihiisa,nin daba dhilif ah oo gumaysi u adeegaya halkan waxba uma yaalaan,waxaanan rabin oo aanan u arag aayaha soomaaliya in ay anfacayso iyo dalkayaga cidna kayeelimayno mana dhacayso.shisheeyaha waxaan aduunkaba lagaga dhaqmin oo dalalkoodaba aysan ku isticmaalin anaga noosooraraya si soomaali loo jaha wareeriyo wa kuwee kuwaasi? waa maxay 4.5? dimuqraadiyada iyo xadaarada iyo dawlad nimada kuwa la diriraya ee shisheeye waa kuwee? waa aragnaa kuwan wax ma garatada ahoo xasan sheekh u horeeyo oo xanbaarsan 4.5 tanoo soomaali diiday.

Adeer ninkii shisheeye muquunin jiray isagay utaalaa dalka ragbaa leh.waxaad ogaataan aduunyadu cidna ma qasbayso cidaasoo leh nidaam iyo kala danbayn meelaha ay ka taliyaan,cidaas oo lasocota hormarka iyo ilbaxnimada caalamka fahmi kartana oo rabta maamul iyo dawladnimo cidna ma qasbayso ogaada. waxaase suura gal ah cidii diida sida aadamu u noolyahay in ay u noolaadaan,oo dil iyo dhac iyo kufsi iyo amaan xumo joogta ah xaalkeedu yahay oo diida dawlad nimada iyo nidaamka xaqweeye in cidaa la qasbo waana suura gal. jubaland iyo somaliland iyo puntland waligood cid qasab iska dhaafe sharaftooda wax u dhimi kartaa mana dhici karto mana dhacaysaba waayo waa dad ismaamulay,dalkooda iyo dadkoodana jecel.

189-9

Khayr iyo sharaf wayn baan arkaa oo Dr Gaas helayo aaya dhaw,waayo waxaa soo daahirtay,kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku baad baadinayo soomaali dawladna uu ugu dhisayo isagoo ka difaacay sokeeye iyo shisheeyaba sida inoo wada muuqata maanta.waxaa balan ah Dr Gaas in aan udoorano marlabaad PUNTLAND isagoo noqonaya illaahay idamkiis madaxwaynaha mustaqbalka soomaaliya.waxaana siinaya taariikhda iyo baalka uu kagalay difaaca dalka hooyo dhan walba. waxaana dooranaya wadaniga soomaaliyeed ee jecel dawlad nimada,ilbaxnimada iyo hormarka umada soomaaliyeed.Adeer maha waxaan iska oranayo ama jacayl gaara oon u qabo Dr gaas ee waa kartidiisa aan hada uwada jeedno sida uu ugu dagaalamayo in soomaali hesho dawlad unool oo wax u dhisata sida dawladaha caalamka ka jira.nin waliba waxa uugalo shacabku waa markhaati Dr GAAS ayaa ina leh oo aan wada aragnaa horteena maanta QABIILKA DIIDNAY QARANKA DOONAY.waa kuma cida aan maanta ku badalanayaa wadanigaa ii kacay?? waxaan ku farax sanahay kacdoonka shacabka soomaaliyeed ee iska tuuraya heer yada gumaysiga iyo kuwa uu ku adeegto oo diidaya qabiilka doonayana qaranimo iyo dawladnimo,diinteena islaamkaa ina faraysa waa hadaynu nahay muslim dhab ah ka fogaada qabiilku waa qurun ee maantana rag masuul sare sheeganaya ayaa gumaysigu inoogu soo dhiibay. kacdoonka ah QABIIL DIIDNAY QARNA DOONAY waa guul.taariihda qoraysa soomaali maanta waxay u kala baxday inta badan oo dawladnimo iyo qaran rabta iyo in yar oo shisheeye adeeg sanayo oo rabta qabiil ceeb baa taagan nin waloow is cadee buuga meeshaad ka galayso.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

About The Author