Daawo Video: Baarlamaanka Puntland oo Qoraal kasoo saaray Shirarkii Muqdisho & go’aankii Xasan Sheekh

28 Jan 2016 (Puntlandes) Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen Caasimadda Puntland ee Garoowe waxay kasoo saareen go’aan cad oo ku saabsan Shirarkii madasha watashiga ee Fashilmay, iyadoo uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh go’aan kaligiis ah uu soo saaray.
197-2a
Dowladda Puntland ayaa qaadacday go’aankii xasan Sheekh, iyadoo maanta uu ku taageeray Baarlamaanka Puntland go’aanka wafdiga Puntland ee uu hogaaminayey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Dhanka kale waxaa maanta ruxay magaalooyinka Puntland Banaanbaxyo lagu ytaageeray Go’aanka Wafdiga Puntland ee uu Hogaaminayey madaxweyne Gaas, iyagoona uga soo horjeeday habka Qabaliga ah ee 4.5ta.

About The Author