Daawo-Dhagayso: Farole oo taageeray go’aanka dawladda Puntland ka qaadatay Shirkii Fashilmay ee Muqdisho
28 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamud Farole ayaa taageero lixaad leh u muujiyey go’aanka ay dowladda Puntland ka qaadatay go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray.
Farole ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ku dhaliilay ka been sheegista kitaabka Alle, isagoo soo daliishaday Xadiith qofka balanta ka baxa “Calaamadaha munaafiqa lagu garto waa saddex; Marka uu sheekaynayo wuu been sheegayaa, marka ballan uu galo wuu kabaxayaa, marka la aaminana wuu khiyaamayaa”
Dhinaca kale Madaxweyne Farole ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Somalia, balse wuxuu ku dhaliilay faragalinta ay ku hayaan arrimaha dalka gaar ahaan wadahadallada looga xaajoonayo hab raaca doorashada 2016, isagoo ka codsaday inay la yimaadaan mowqif cad oo xusaya in arrimaha Somalia faraha kala baxaan ama ay si cad u maamulaan sida uu Madaxweynuhu hadalka u dhigay.
Hadalka Madaxweynahihii hore Puntland Farole ayaa kusoo aaday xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka dhaceen banaanbaxyo lagu taageerayo mowqifka xukuumadda Puntland ka istaagtay go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh kaligii soo qortay.
Dhagayso Madaxweynahihii hore Puntland Farole
Puntlandes.com