Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shacabkiisa kulan Qaxwayn ah kula qaatay qaybo kamid ah hotellada Boosaaso
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 29-Jan-2016 socod dheer oo lug ah kusoo maray qaybo kamid ah shaaracyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.
Madaxweynaha ayaa sood dheer kadib waxaa uu gaarey Hotel Gacayte oo ku yaalla woqooyiga Boosaaso gaar ahaan xaaxiga ama xeebta Boosaaso, halkaas oo uu kulan nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaas oo goobta ku sugnaa, maadaama uu Madaxweynuhu soo af-meeray Safarro shaqo oo bilihii ugu dambeeyey uu ku-jirey kuwaas oo xal loogu raadinayey geeddi-socodka doorashooyinka 2016.
Madaxweynaha ayaa intii uu shacabkiisa la-qaxwaynayey waxaa koox-koox ugu imaanayey shacabkii goobta ka qaxwaynayey, kuwaas oo hambalyo iyo salaan sharaf u wadey isla markaasna ku bogaadinayey go’aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay shirkii bur-buray ee madasha wadatashiga qaran.
Madaxweynaha ayaa ayaa markii uu soo dhammaystay kulankii nasashada ahaa ee uu la-qadanayey shacabkiisa waxaa uu salaadii Maqrib shacabkiisa kula tukadey Masaajid ku yaalla Gacayte Hotel.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka-dib waxaa uu Hotel Huruuse oo ka-mid ah Hotellada magaalada Boosaaso kula caweeyey qaybo kamid ah Duubabka iyo hal-doorka Gobolka Bari, kuwaas oo Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu u difaacay aragtida shacabka Puntland ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016.
Socdkaan lugta ah ee uu Madaxweynuhu ku dhex lugaynayey magaalada Boosaaso ayaa muujinaya Nabad-geliyada iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta magaaalada Boosaaso, waxaana uu soo jiidanaysaa kalsoonida shacabka Puntland ku qabi karaan ka- hirgelinta magaalada Boosaaso goobo ganacsi caalami ah oo la tartami kara dunida horumartay.