Puntland maku biiri doontaa AMISOM-Land?
Dowlada Puntland ayaa todobaadkan sheegtay inay kasoo horjeedo go’aankii kasoo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ee lagu sheegay qaabka dhismaha Golayaasha Baarlamaanka Federaalka ee lasoo dooran doono dhamaadka sanadkan 2016.
Dowlada Federaalka ayaa go’aankeeda waxaa ku taageeray Beesha Caalamka, kadib markii wax heshiis ah kasoo bixi waayey MADASHII WADATASHIGA ee ka koobnaa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo si weyn isugu khilaafay qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada kamid noqon doona Golaha Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Puntland ayaa iyadu ku doodeysay in la raaco wadadii lagu jeexay heshiisyadii hore ee Garowe 1 iyo Garowe 2 ee qeexayey tanaasulkii hore ee doorashadii 2012, oo ay Puntland xiligaa u tanaasushay nidaamka awood qeybsiga ee 4.5 oo markaa la sheegay inuu ahaa xal loogu gudbayo 2016. Waxaana heshiisyadaa ku xusnaa in doorashooyinka soo socda aan la isticmaali doonin ama aan dib loogu noqon doonin nidaamka 4.5 oo markiisii hore lagu soo dhisay shirweynihii Nabadeed ee ka dhacay dalka Jabuuti, kahor dhismihii Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraya in Xildhibaanada dowlada Federaalka lagu soo xulo nidaamkii 18kii gobal ee rasmiga ahaa ee kahor dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya 1991.
Fashilkii Dowlada Federaalka
Dowlada Federaalka ee la dhisay 2012 kuna timid nidaamka 4.5 ayaa ahayd hawsheeda ugu weyn:
1- In dalka Soomaaliya laga xoreeyo argagaxisada Al Shabaab,
2- In Tirakoob & Diiwaangelin shacabka Soomaaliyeed loo sameeyo
3- In Aftida loo qaado Dastuurka Soomaaliya
4- In La hirgeliyo nidaamka Xisbiyada
5- In doorasho hal qof & hal cod ah la qabto dhamaadka sanadkan 2016
Dhamaan qodobadan ayey ku fashilantay dowlada Federaalka Soomaaliya, sababta ugu weyn ee uu fashilkan ku dhacay ayaa ahaa sadex qodob oo salka ku hayey siyaasada ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Siyaasada 1aad (Damul-jadiid iyo Awood Maroorsiga)
Dowlada Federaalka ayaa la kuftay dhamaan hawlihii laga sugayey inay kasoo baxdo sababta ugu weyn ayaa ahayd in maamulkii Dowlada Federaalka uu gacanta u galay koox kooban oo uu Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud kamid ahaa, kuwaasi oo loo yaqaan Damul-jadiid isla markaana horey uga tirsanaan jiray xisbi diimeedka Al-Islaax.
Kooxdan ayaa si aan qarsoodi ahayn ulla wareegtay Wasaaradihii ugu muhiimsanaa ee dowlada Federaalka isla markaana sabab u ahayd khilaafyadii badnaa ee soo dhexgalay Madaxweynaha iyo Raysalwasaarayaashii Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) iyo Cabdiweli Shiikh Axmed.
Khilaafyada ka dhex jiray dowlada Federaalka oo sabab u ahaayeen Damul-jadiid oo dooneysay in codka beelaha koonfurta degan ay guud ahaan la wareegaan iyo waliba Maamul gobaleedyada. [Halkan ka akhriso Maqaalkii horey aan uga qornay INQILAABKA DAMUL JADIID]
Siyaasada 2aad (Damul-jadiid iyo Boobka Hantida Qaranka)
Waxaa xasuusin weyn muddan Fadeexadii Bangiga dhexe oo ay kashiftay Guddoomiyhii bangiga ee xilka iska casishay Yusur Abraar oo la oron karo waa muwaadinad Qaranka Soomaaliya ka mudan bilad sharaf, kadib markii ay horjoogsatay boobkii ugu weynaa oo ay Damul-jadiid doonayeen inay kula wareegaan hantida Qaranka Soomaaliya ee ku xaniban Bangiyada Caalamka. [Halkan ka akhriso Fadeexadii Bangiga Dhexe iyo qaabkii ay u dhacday].
Inkastoo Yusur Abraar noqotay mas’uul wax weyn ka hakiyey ololihii caalamiga ahaa oo ay Damul-jadiid ugu jireen hantida Qaranka ee bangiyada caalamka yaal, hadana waxaa kooxda Damul-jadiid si toos ah ulla wareegeen hantidii kale ee Qaranka, gaar ahaan dhulkii dowlada ee caasimada Muqdisho iyo waliba xarumihii dhaqaalaha sida Dekkada iyo Airporka Muqdisho oo lagu wareejiyey shirkado Turki ah oo ay wakiilo ka yihiin xubno ka ag dhaw Madaxweyne Xassan.
Shirkadaha Turkida ee hada maamula illaha dhaqaalaha ee Muqdisho ayaa sanadkii hore 2015 diiday inay wax xisaab celin ah u sameeyaan dowlada.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa dhamaadkii sanadkii 2015, Baarlamaanka federaalka hortiisa ka sheegay in shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo gacanta ku haya Madaarka iyo Dekeda ay diideen in lala xisaabtamo. 31kii December 2015 ayuu wasiirka Maaliyada Federaalka Md. Maxamed Ibraahim Fargeeti uu hortagay Baarlamaanka si uu uga jawaabo diidmada shirkadaha Turkida ee xisaab xirka Miisaaniyada.
Boobka hantida Qaranka iyo Awooda ay isku koobeen kooxda Damul-jadiid ayaa la oron karaa waxay ahaayeen siyaasadihii keenya khilaafka badan ee dowlada Federaalka ay uga dhuntay 4tii sano ee xilka loo doortay.
Maskaxdii Damul-jadiid ee wakhtigaas badan ka dhumiyey Qaranka Soomaaliyeed xiligan waxay dadaal ugu jirtaa inay xukunka dib ugu soo noqdaan 2016, muddo afar sano oo kale ah si ay u dhameystiraan himilooyinkooda siyaasadeed iyo Dhaqaale.
Siyaasada 3aad: AMISOM & UN aka Beesha Caalamka (The white Elephant in Somalia)
Xafiiska UNSOS (United Nations Support Office in Somalia) oo shaqadiisu tahay gargaarka Somaliya ee Qaramada Midoobay ayaa bishii November 2015 soo bandhigay waxqabadkood iyo kharashka uga baxa Soomaaliya.
UNka oo maalgeliya Ciidanka AMISOM ayaa warbixintoodii ugu danbeysay November 2015 ku sheegay tiradda ciidamada Afrikaanka ee Soomaaliya jooga 22,126 askari.
UN-ka oo dhanka militariga ka taageera dowlada Federaalka ayaa sidoo kale sheegay in tirada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay tababareen uu gaarayo 10.900 askari oo hada shaqeeya.
Intaa oo idil waxaa ay ka hawl galaan koonfurta waddanka Soomaaliya (AMISOM-land).
Waxaa intaa dheer shaqaalaha xafiisyada AMISOM oo dhan 12,000 oo ka kala yimid Yuganda, Burundi, Jabuti, Etoobia, Nayjeria iyo Siiraliyoon. Kuwaanoo shaqadoodu ku jirto in ay tababarada siiyaan hay’adaha & ciidamada Federaalka Soomaaliya.
Mashruucan AMISOM-Land ayaa ah mid balaaran oo ah tiirarka ay ku taagan tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya, la’aanteedna aysan jiri Karin xiligan dowlad ka shaqeysa Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale AMISOM ayey ku hoos nool-yihiin maamulada laga sameeyey gobalada koonfureed, sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka la doonayo in loo dhiso Hiiraan & Shabeelada Dhexe.
Ceeb-Qarinta Beesha Caalamka (Face Saving)
Beesha Caalamka si fiican bay ulla socotaa Fashilaada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Fadeexada Damul-jadiid, balse xiligan Beesha Caalamka diyaar uma aha inay la xisaabtanto mas’uuliyiinta Federaalka ee fashilay, sababtuse maxay tahay?
Sababtu way iska fudud tahay oo Beesha Caalamka hadii ay shaaciso in lagu fashilay Dowlada Federaalka oo ay dhaqaalaha intaas la eg ku bixisay, waxay waji gabax ku noqoneysaa Sheegashadii Dalalka Reer Galbeedka oo ay ku jiraan Maraykanka & EU oo sheegayey in Soomaaliya hawsha ay ka qabteen ay tusaale u tahay hirgelinta siyaasadooda dib u dhiska dalalka Burburay (State Building Policy), maadaama ay horey ugu fashileen dalalkii kale sida Afghanistan iyo Ciraaq.
OBAMA & Guusha Soomaaliya
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sanadkii 2014 dhamaadkiisii ku tilmaamay dalalka Soomaaliya iyo Yemen, guulaha ay ka gaareen siyaasada arrimaha dibada iyo dhismaha dowlado dimuquraadi ah. Models of Success (!) [Halka ka akhriso].
Balse Yemen ayaa hada kamid ah wadamada dagaalada ugu xun iyo macaluusha ka jiraan, Soomaaliyana waa dalka kaliya ay xiligan reer Galbeedka sheegan karaan inay guul ka gaareen iyagoo adeegsanaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, marka AMISOM-LAND ayaa la oron karaa way ka muhiimsan tahay la xisaabtanka Mas’uuliyiinta Federaalka ee Fashilay.
Puntland 17 sano kadib
Hadaba Dowlada Puntland oo ah dowlada kaliya ee xubinta ka ah Federaalka ee iskeed isu maamusha isla markaana aan ku tiirsaneyn ciidamada AMISOM iyo UNSOM ayaa iska dhaadhicisay in 2016 laga gudbayo siyaasada guracan ee ka taagan xiligan Muqdisho oo ay beesha Caalamka ay kaalin weyn ka ciyaareyso.
Puntland waxaa sidoo kale la oron karaa waa dhulka kaliya oo uu xiligan ka jiro Maamul Soomaaliyeed oo ogol Somaliweyn, Puntland waxaa intaa u dheer inay nasiib u heshay inay gaari karto go’aano muhiim ah isla markaana noqon karto codka Soomaalida xorta ah.
Waxaase nasiib xumo ah in Koonfurta Soomaaliya xiligan aysan go’aanadeeda ka go’in Soomaali oo ay u kala qeybsan yihiin;
AMISOM-Land – Beesha Caalamka oo ay Soomaaliya u tahay mashruuca ma dhamaato ah!
Al Shabaab-Land – Hoos taga Rooxaanta Wadaadka xagjirka ah ee Al Zawahiri oo ah Masari baxsad ah, markii ugu danbeysay lagu sheegayey Buuraha u dhaxeeya Afghanistan & Pakistan!
Maamulka Puntland xiligan waxaa u furan sadex wado oo ay yihiin labo kamid ah kuwaan kor ku xusan.
Wadada 3aad
Wadada 3aad ee Puntland iyo shacabkeeda u furan ayaa ah in ay ISKU-Tashadaan isla markaana ka dhex baxaan siyaasada cakiran ee Muqdisho, Puntland iyadoo cuskaneysa Dastuurkeeda iyo kan Qaranka Federaalka Soomaaliya waxaa u banaan inay ku dhawaaqdo inay iskood isku maamulayaan inta laga helayo Dowlad Soomaaliyeed oo matasha shacabka Soomaaliya iyo Himilooyinka ummada Soomaaliyeed.
Puntland waxay fursad u heysataa inay soo dhaweyso Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira gaar ahaan kuwa Muqdisho ka jira oo xiligan Caburin ay ku heyso hay’ada Sirdoonka NISA oo intii ay ku mashquuli lahayd la dagaalanka AL shabaab wakhtiga ugu badan ku dhumisa caburinta cidii dhaliisha kooxda xukunka heysa ee Damul-jadiid.
Fursadaha Puntland waxaa sidoo kale kamid ah inay isu keento Soomaalida kale, inay casunto ay iskaashi wada shaqeyn la sameysato beelaha kale ee ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya ee xiligan diidan kooxda Damul-jadiid sida Al Ahlusunna Waljamaaca iyo beelaha kale ee ku dhaqan, Hiiraan, Sh/dhexe, Sh/hoose illaa Jubbaland.
Dhawaan ayaa la filayaa in Puntland ay tagaan wafdi ka socda Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka oo isku dayi doona inay xukuumada Dr.Cabdiweli Cali Gaas ka dhaadhiciyaan in dib loogu noqdo nidaamka 4.5, balse su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Dr.Gaas iyo Xukuumadiisa ma qaadi doonaan mid lamid ah Tilaabadii taariikhiiga ahayd oo ay siyaasiyiinta Puntland qaateen 1998dii ee lagu dhisay maamulka Puntland? Mise waxay ku biiri doonaan AMISOM-LAND?
Xigasho: Horseed Media