Dhgayso-Faahfaahin: Gud. hore ee Gobolka Bari Galan oo ay Ciidanka Amaanku Gurigiisa hawgal ka fuliyeen
1 Feb 2016 (Puntlandes)Wararkii u dambeeyey: Warkii aanu daabacnay ee ahaaa in Ciidanka Amniga Puntland ay soo qabteey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan, ayaan ahayn mis SAX ah, iyadoo ay gurigiisa ay hawlgal ka fuliyeen Ciidanku mana usan joogin markii Ciidamadu galeem gurigiisa.
Hawlgalka ay Ciidamadu ka fuliyeen Guriga Guddoomiyihii hore ayaa daba socdey isagoo abaabulayey todobaadyadii u dambeeyey Amni xumo iyo kacdoon oo uu ka wadey magaalada Bosaso.
Cabdisamad Gallan ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Baru wareejiyey 7 bilood ka hor, kadib markii Madaxweynaha Puntland xilkaas u magacaabey Yusuf Dhedo.
Guriga Guddoomiyihii hore ayaa laga soo saaray Hub iyo Saanad waxaana ku dhaawaxmay Qof dhalinyadii uu Gudoomiyihu qalday iyo labo ka mida Ciidan Booliska.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa Saxaafadda u sheegey in guriga Gallan ay ku soo qabteen 6 Malayshiyaad ah oo mid dhaawac yahay, baabuurta dagaalka, rasaas iyo qoryo, laakiin Cabdisamad Gallan uu ka baxsadey guriga, isla amrkaana ay ku daba jiraan.
Puntlandes.com