Diyaarad Deg-deg u soo fariisatay garoonka Aden Cadde kadib dab ka kacay matooradeeda
2 Feb 2016 (Puntlandes) Wararka Warbaahinta kasoo gaaraya Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay shirkada DAALO AIRLINES oo ku jirtey duulimaad caadi ah ay si degdeg ah u soofariisatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ayaa ka duushay Garoonka diyaaraha Aden Cadde iyadoo ku sii jeeday dalka Jabuuti. hase yeeshee diyaaradan markii ay hawada ku sii jirtey muddo 30 daqiiqo ah ayaa soo wajahday cillad xagga farsamada oo ku timid mid kamid ah matooradeeda.
Duuliyihii diyaarada ayaa go’aansaday in uu si degdeg ah dib ugu soo laabto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxana ay diyaaradan soo degtey iyadoo dab ka kacayo mid kamid ah matooradeeda.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in rakaabkii iyo shaqaalihi saarnaa diyaarada ay ka badbaadeen marka laga reebo labo ruux oo dhaawac fudud soo gaaray.