Dhagayso: Gaafoow oo Joojiyey Duulimaadyadii taga Hargaysa Somaliland
2 Feb 2016 (Puntlandes) DFS ayaa joojisay duulimaadyadii ka bixi jira magaalada Muqdisho ee tagi jiray magaalada Hargeysa ee CaasimadaSomaliland.
Waraaqdan lagu joojiyey Duulimaadyadii tagi jirauy Hargaysa ayaa waxay kasoo baxday agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Cabdullahi Gafaow Maxamuud. Warqadan ayaa waxaa kiu xusan in amarkan uu dhaqan galayo 22-ka bishan Febraayo.
Wareysi uu siiyey VOA-da, ayaa Cabdullaahi Gaafow, waxa uu ku sheegay in soo saareen amarkan kadib markii Somaliland ay billowday bixinta warqad “Go Home” ama “Dalka Ka bax” ah oo la siiyo dadka soo aadaya Muqdisho, kuwaas oo 15 dollar qofkiiba looga qaado.
Cabdullahi Gaafow ayaa sheegay in dulqaadkii ka dhamaaday, ay u dul qaadanayeen dhibaato uu sheegay in Somaliland ay ku hayso shacabka usoo safraya Muqdisho, balse aysan intaa ka badan dul qaadan karin.
Puntlandes.com