Farsamooyinka Wadaxaajoodka ama Gorgortanka.
Soomaaliya waxaa 25kii sano ee ugu danbeeyey ka socdey Shirar iyo wadaxaajoodyo, looga gollahaa in dib loogu yagleelo Qarankii inaga dumay 1991dii. Wadaxaajoodyadaas oo intooda badani ka dhacayeen, waddamo shisheeye, waxay intooda badani ku dhamaadeen guuldarro. Iyo iyadoo ay shirarkii natiijo la´aanta ahaa ay weli halkoodii kasii socdaan. Waxaa ugu danbeeyey shirkii 27,Jan 2016 ku soo dhamaaday fashilka, ee ka dhacay Xamar. Iyadoo uusan wadaxaajoodku uusan weli dhammaan oo hadda loo balansanyahay in Garoowe uu ka dhaco shir/wadaxaajood, kaasoo la hadalhayo in la rabo in lagu qanciyo Madaxweynaha Puntland, si uu inta u khilaafo Shacabka sida aan kala harka lahayn u diidey nidaamka 4.5 ee laga soosaaray Xamar.
Qormadaan waxaa igu kalifay, kadib markaan arkay sida aan weli loogu diyaarsanayn wadaxaajoodkaan Garoowe. Iyadoo uu madaxweynuhu ku dooday in uu talada wixii ay ka oran lahaayeen uu kusoo celiyey dadka reer Puntland. Iyadoo lala wada socdo in ay markii 10naad muujiyeen sida aysan marna u qaadanayn nidaamkaas. Waxaan is weydiiyey su´aasha ah. Madaxweynuhu muxuu la hortegayaa qolada u imaanaysa Garoowe in ay ku qanciyaan 4.5? Ma maray ilaa hadda waddadii loo baahnaa si go´aan cad looga qaato wixii lagu gorgortamilahaa? Hadda iyo dan, maxaa talo ah?
Si aan shu´aalaahaas uga jawaabo, ayaan waxaan go´aansaday bal horta in aan wax ka ogaado oo aan markaas dabadeed idinla qaybsado, Farsamooyinka wadaxaajoodka iyo Gorgortanka.
Farsamooyinka Wadaxaajoodka.
Sideedaba marka weedha la fiiriyo, waxay ku saabsan tahay in aad arki kartid, tilaabada xigta ee ay qaadayaan, ergeda dhinaca kale, si aad u dabbakhdid qorshahaagii aad ku talo-gashay.
Wax kasta oo laga xaajoonayo waa in marka horeba laga leeyahay ulajeedo iyo yool ama uu jiraa hadaf loo socdo. Marka sidaas awgeed waa in aad qorshaysaa jidka la marayo. Si haddaad weydo jidkaas, aad u hesho mid ka ag dhow, kaasoo isna ku geeynaya hadafkii. Si taas loo helo waxaa muhiim ah in la raaco qodobadaan.
- Samee yool cayiman oo cad.
- Abuur kalsooni, ixtiraamna muuji.
- Fasiro ergeda kale ficil-celintooda (reaction) iyo calaamadaha /tilmaamaha (signals) ay bixinayaan.
- Weydii su´aalo farabadan, tusaale, hadday arrintaas dhacdo middaas maxaa laga yeelin, see u maaraynaynaa xaaladdaas, see uga gudubnaa caqabaddaas, haddaad adinku middaas ka tagtaan maxaa idunku dhacaya, halkaan ma uga durki karraa middaas. Adigoo muujinaya in aad isku ulajeedo tihiin oo aad isku meel u socotaan.
- Ogow in ay jiraan ulajeed qarsoon.
- Waligaa ha muujin nugeyl iyo jil-jileec.
- Isticmaal qodobo aan micne weyn adiga kuulahayn oo aad hadhow ka tegi kartid, si ay kuugu fududeeyaan in aan gorgortanku ka bilaaban qodobadaadii muhuumka ahaa. Hadduu wadaxaajoodku halkaas ka bilaabmo, waxaad ku khasbanaanaysaa in aad iyaga ka tanaasusho.
- Qodobada aan muhiimka ahayn oo aad ka tanaasusho shuruud uga dhig in aad hesho qodob muhiim kuu ahaa, adigoo isticmaalaya waxa la yiraahdo “give and take”.
- Qiro khalad, si aad u tusto in aad daacad tahay rabtona in aad wax saxdo.
- Isku day in aad heshid ama abuurtid guul labada dhinacba ah “win win situation”
- Haddii arrini cakiranto, qaado biririf (Pause).
Marka la fiiriyo wadaxaajoodyadii Soomaalida ee mudadaas intaas le´eg soo socdey, waxaa kuu muuqanaysa in aysan lahayn mid ka mida qodobadaan. Sababaahaas bana keentay in 25 sano la iska daba wareego. Kalsooni la iskuma qabo, Cidwaliba in ay ayadu guulaysato bay rabtaa oo helaan 100% waxay rabaan . Qolaa intaa dabacsanaan muujisa (waa Puntland).
Markaan u soo noqdo Shirka hadda socda iyo kii kusoo idlaaday Xamar. Waxaa cad in aysan Puntland wax yool ah lahayn. Waxaana taas deliil u ah, sida uu wadaxaajoodku uga bilaabmay qodobadii ugu muhiimsanaa, taas oo keentay in dhamaantood ka tanaasula layiraahdo. Waxaa jirey nugeyl iyo u dabacsanaan helid Qaran Soomaaliyeed ah. Waxaysan arkin inuu jirey ulajeed iyo yoolal qarsoonaa. Waxaa jirtey arkid la´aan iyo garasho la´ aan, calaamadihii ay muujinayeen dhinacyadii kale.
Haatan iyo u diyaar garow la´aanta shirka Garoowe ka dhacaya.
Waxa kaliya ee la isku haystaa waa hal qodob (4.5) Kaas oo ay sahlantahay in lagu qanciyo in aysan Soomaali midnimadeedu u dhiman qodobkaas keliya.
Mana muuqdo u diyaar garoow ku wajahan sida loo abuurilahaa qodobo kale aan hadda (muhiim ahayn), sida Dastuurkii la tuuray, kaas oo ay tahay in uu hadda muhiimkiisii hore yeesho. Iyadoo meesha la keenayo, 2 gobol iyo wixii ka badan, 18kii gobol oo aqalka sare lagu qaybsanayo. In ay Puntland usii dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan inta lagasoo dhisayo Dawladaha xubnaha ka ah midda federaalka ah.
Waxaa kale oo muhiim ah in si wanaagsan ay ugu diyaar garoobaan oo uga doodaan golaha xukuumada iyo golaha wakiiladu wixii ay la hor tegi lahaayeen qolyahay imaanaya. Haddii arrintu ku koobnaato Madaxweynaha oo keliya, way sahlanaanaysaa in uu isu arko caqabad Soomaali oo 10M ah hortaagan isagoo ah shakhsi keliya (1 to 10M).
Waxay arrini ula muuqan kartaa in uu yahay qofka keliya ee wax xumayn kara ama wanaajin kara, taas oo keeni karta inuusan gorgortan ka gelin waxyaabaha qaarkood. In hal qof, si wax ula muuqan karaan, waxaa tusaale kuugu filan arrintii bedelaada isteerinka baabuurta Puntland, taas oo ahaa soo jeedin Madaxweyne, markay isaga ula muuqatay xal, si loo badbaadiyo shacabka shilalka baabuurta ku dhinta. Markaas madaxweynuhu wuxuu u fekerey oo keliya wanaag iyo bedbaado ee kama fekerin suurtagalnimada fulinteedu.
Waa in doodda arintaan ku saabsani noqotaa mid furan oo si daacad ah looga doodo. Haddii kale oo golayaasha xukuumadda iyo Xildhibaanadu ay si nacamlayn ah ugu raacaan madaxweynaha wuxuu soo jeediyo, waxaa suurtogal noqonaysa in go´aan hal dhinac, rabitaankiis ahi uu dhaco, sidii ay sharci la passgareeyey u noqotay, soo jeedintii Madaxweynaha ee sharcigii aan suuroobin ee badbaadada shilalka Baabuurtu.
Waa in labada dhinac ay u fekeraan si xal ah.
Haddi marka hore oo meesha wadaxaajoodka la imaanayo cadaw la isu yahay, laga gaari mayo, natiijo wanaagsan hadafka shirka.
Waxaan rabaa in aan tusaale u soo qaato, Nin loo dhiibey in uu mideeyo, laba sharikadood oo design:ka ahayd oo midna laga lahaa Sweden midda kalena Germany. Labada sharikadood oo ay gadatay sharikad weyn oo Germany laga lahaa. Shaqaalihii labada sharikadoo oo aan markoodi horeba xiisayneyn in ay wada shaqeeyaan ayey waxay caqabad ka dhigteen in ay isticmaalaan systems kala duwan, design Programs kala duwan, Process kala duwan , routines iyo Standards kala duwan taasina ay ka dhigayso in aysan suurto gal ahayn in ay wada shaqeeyaan.
Ninkii shaqada midaynta loo dhiibey markuu arka in ay qolo waliba derbi ay isaga moosto kuwa kale dhisteen, ayuu isugu yeeray shir. Wuxuu tusaale usoo qaatay Derbi markaas buu yiri waxaa idiin dhexeeya derbigaan (hadda ogow iyagaa dhisay, iyagoo aan xiiseyneyn wada shaqaynta) wuxuu yiri anigu idinma lihi derbigaa ka booda. Waxaan keliya oo idinka rabaa in aad derbiga eegtaan, oo markaas aad keliya uun aad ka fekertaan, in ay suurtogal tahay in la fuuli karo. Eega oo bal ka daya, meel uu ka gaaban yahay. Hadana eega oo ka eega bal in uu leeyahay godod, aad lugta saari kartid. Eega oo hadduusan lahayn god in aad adigu abuuri kartid (wuxu, ma xaddiid baa? misse inta Burrus soo qaadato baad god aad lugta gashato ka dalooshan kartaa). Markaad daloolisid, bal isku day in aad derbiga korkiisa istaagtid. Markaa kadib bal eeg in aad ka degi kartid. Is weydii in hal dhinac uun looga degi karo iyo in kale. Bal isku day in dhinicii aad kasoo fuushay mooyaane aad dhinicii kale aad uga degi kartid.
Fikir ahaan markuu tusay in ay suurtogal tahay in caqabad haddii la isku dayo laga gudbi karo ADIGA OO EEGAYA FURSADAHA JIRA EE AAN EEGEYN UUN KELIYA CAQABADAHA, ayuu u sharaxay in iyagoo aan bedelin system iyo process iyo standards iyo routines in la isku dayo in ay qolo walibaa isticmaasho waxa iyaga looga fiican yahay, middaas oo uun wanaag u abuuri karta.
Ninkaas sanad gudihiis ayuu ku mideeyey labadii sharikadood.
Anigu waxaan qabaa in haddii qolo waliba ay fiiriso fursadaha jira, oo aan loo fekerin sidii laba cadaw oo kale, in la heli karo qaab hadhow loo midoobo. Haddii haddana koonfurta loo daayo in ay wax samaystaan oo markaas kadib la bilaabo qaab siman oo loowadashaqeeyo in hadhow la heli karo wada shaqayn buuxda.
Hadda reer Puntland diide 4.5, in inta rabitaankaas la qiimeeyo, laga dhigo dhisidda dawlad qaran laba waqti oo kala duwan. Hadda loo daayo koonfur, si ay u samaystaan dawlad iyaga metesha iyana ay qiraan in aysan Puntland iyo Soomaaliland ka mid ahayn, si markaas loo bilaabo process:ka labaad ee midaynta sadexdaan.
Laakiin haddii car iyo wir inta layiraahdo, laysku dayo in ummad dhan la khasbo, waxaa imaan karta dhibaato iyo in aan waligeed isfaham la abuurin iyo waliba kala tag Soomaaliyeed.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com