Daawo sawirada: Banndhig Dhaqameed lagu qabtay Magaalada Bosaso
Kal-dhaqameedkan Labaad ee Ay soo Qaban qaabisay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaaladda Boosaso, ayaa waxaa Ka soo qeybgalaan Abwaanno, Qalinley iyo Dad kale oo saaxiib u ah Af somaliga,
Waxaanna ay intii Munaasibaddu socotay Halkaasi lagu soo Bandhigay Gabayo, Buugaag iyo Agabyo Kala duwan Oo ka turjumaya Dhaqanka iyo Hidaha somalida, Kuwaas oo Si Quruxbadan Loogu soo Bandhigay Xafladaasi,
Intii ay munaasibaddu socotay ayaa waxaa halkaasi Marti ku ahaa Abwaano kala duwan oo ay kamid ahaayeen Axmed Faarax cali Idaajaa, Abwaan Jaamac Kadiye, Abwaan cabduqaadir Cabdi Shube, Abwaan Raage Bile Maxamud, Qoraa Cabduqaadir Xaashi Cirro, Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland
Shekh maxamed Faahiye Ciise Oo Ku Hadlayay Magaca Jaamacadda Bariga Afrika ayaa faah faahin ka bixiyay Barnaamijkan Iyo Waxyabaaha uu ku saabsanyahay, Waxuunna Sheegay inuu Kamid Yahay Howlaha Muhimka ah ee Jaamacaddu Oga qeyb qaadanayso Saro u qaadista Dhaqankeena.
Qoraaga Somaliyeed Ee Axmed Faarax Cali Idaajaa oo Si Gaar ah xaflad ka Hadlay Ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay Waxbaahii kala duwanaa ee Madasha lagu soo Bandhigay, Asagoona Dhalinyaradda Somaliyeed ugu baaqay iney Dhaqankooda isku dhowraan,
Maxamed Caydiid Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Qoraaga Cabdirsaaq Ismaaciil Cirro Ayaan iyagana weydiiyay Dareenkooda, Waxaanna Ay sheegeen in Howshan ay tahay mid u baahan in la sii Dhiiri galiyo, Amaanna Mudan.
Barnaamijkan ayaa sida qurshuhu Yahay Waxaa Socon doonaa 2-Cisho ee soo socta waxaanna inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa sidoo kale Tartan Ku saabsan Dhaqanka oo qeybo kamid ah Ardaydu ay ku tartami doonaan.
Xigasho: Puntlandpost.com