Digreeto: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magcaabay Wasioru Dawlaha Caafimaadka Puntland
15 Feb 2016 (Puntlandes) Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas aya lagu magacaabay Wasiiru dowladaha wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland, ka dib markii uu geeriyooday 3-dii Janaayo 2016 Wasiiru dowlihii hore ee Caafimaadka Puntland alle ha u naxariistee C/laahi Cali Jaamac oo Gaalkacyo xanuun ku soo booday ugu geeriyooday.
Hoos ka akhriso Wareegtada
Xeer Madaxweyne Lr.16, February 14, 2016, kuna saabsan Magcaabid Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland
MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland;
Markuu tixgeliyey: Aqoontoontiisa iyo waaya aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Sayid-Cumar Aadan Guuleed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dawladda Puntland.
—DHAMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.