Sawiro: Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland oo Maanta loo dhaariyey Xilka Cusub ee Dhowaan loo Magcaabay
Waxaa maanta 17-Feb-2016 lagu dhaariyey Aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland Sayid-Cumar Aadan Guuleed oo dhowaan uu xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Munaasabadda dhaarinta Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiiru Dawlaha in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo Caafimaadka Puntland.
“waxaan kugula dar-daarmayaa in sida aad u dhaaratay aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo gudashada waajibaadkaaga kaa weecinaya”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiiru Dawlaha in uu xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo, isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Caafimaadka Puntland.