Sawiro: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Daahfurtay Mashruuca Horumarinta Wax Soosaarka Xoolaha

Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa waxaa kadhacday munaasabad lagu daahfurayey mashruuca horumarinta wax soosaarka xoolaha Puntland oo ay iska kaashanayaan wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Midowga Yurub (EU).

Munaasabadda daahfurka mashruucaasi muhiimka ah oo kadhacday xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland ayaa waxaa ka qaybgalay, xildhibaano, wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud, saraakiisha arrimaha xoolaha kuhowlan, xubno kasocdey maalgeliyayaasha mashuurcaani iyo marti sharaf kale.

Maxamed Cali Waaberi, gudoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga Puntland oo ugu horayn kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in haddii mashruuca horumarinta wax soosaarka xoolaha Puntland uu guulaysto uu waxbadan ka qaban doono horumarka ganacsiga iyo koboco dhaqaalaha.

Mas’uuliyiin kasocdey midowga Yurub oo wasaaradda mashruucaasi ka taageerayey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dhamaystirka mashruucaasi oo ay tilmaameen inuu waxbadan ka bedeli doono kobcinta wax soosaarka xoolaha Puntland.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland CabdiJamaal Cismaan Maxamed oo daahfuray mashruuca ayaa uga mahadceliye midowga reer Yurub taageerada ay ku bixinayaan horumarinta xoolaha Puntland.

Mudane Cabdijamaal ayaa sheegay in qorshahaani uu yahay mid intiisa badan ku imaanaya iskutashiga Puntland, wuxuuna intaasi kusii daray in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay qabtaan waxkasta oo dalka muhiimad gaar ah ugu jirto.

Dhanka kalena mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha ayaa booqasho kutegey xarunta cusub ee ay yeelanayso wasaaraddu oo uu kasocdo dhisme ballaaran oo ay yeelanayso wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland.

SAWIRRO

IMG_0776 IMG_0779 IMG_0782 IMG_0784 IMG_0789 IMG_0790 IMG_0791 IMG_0793 IMG_0794 IMG_0797 IMG_0798 IMG_0799 IMG_0800 IMG_0802 IMG_0805 IMG_0807 IMG_0808 IMG_0809 IMG_0810 IMG_0812 IMG_0813 IMG_0815 IMG_0816 IMG_0817 IMG_0818 IMG_0819 IMG_0820 IMG_0825 IMG_0829 IMG_0832 IMG_0833 IMG_0834 IMG_0835 IMG_0838 IMG_0840 IMG_0842 IMG_0843 IMG_0848 IMG_0850 IMG_0851 IMG_0858 IMG_0859 IMG_0861 IMG_0862 IMG_0863 IMG_0865 IMG_0866 IMG_0867 IMG_0868 IMG_0872 IMG_0874 IMG_0875 IMG_0876

About The Author