Mareykanka oo Somalia ku Daray Liis Cusub, iyadoo la adkeeyey helitaanka VISA-ha maraykanka
19 Feb 2016 (Puntlandes) Dowladda Mareykanka ayaa sadex dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay ku dartay liiska dalalka walaaca laga qabo, marka la eego barnaamijka ogolaanaya in VISA la’aan lasoo galo Mareykanka (VISA Waiver Program).
Labada dal ee kale ayaa ha Yemen iyo Libya, Waaxda ammaanka gudaha ee Dowladda Mareykanka ayaa khamiistii ku dhowaaqday tallaabadan, oo dadka booqday dalalkan shanti sano ee lasoo dhaafay ku adkeyn doonto hanaanka lagu helo Visa-ha Mareykanka.
Xayiraad cusub ayaa loo cuskaday sharciga la ansixiyey weerarkii November ee Paris ka dib.
Wadamada kala duwan ee markii hore Mareykanka dadkoodu u safri jiray Visa la,aanta ayaa hadda laga doonayaa in ay VISAdalbadaan iyadoo hadii ay shanti sano ee lasoo dhaafay u safreen Soomaaliya aan la siin doonin VISA
Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegtay in shuruudaha cusub aysan si toos ah u saamayn dooninmuwaadiniinta ka yimid dalalka aan Visaha u baahneyn in ay Mareykan soo galaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta labada dhalasho heysta ee Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya.