Sawiro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeero ku sameeyey shirkada dhismayaasha Kabaayaasha dhaqaalaha ee Dalka Itoobiya
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo magaalada Addis Ababa u jooga hawlo shaqo ayaa booqasho indha-indhayn ah ku tegey Shirkadaha ku midoobey dhammaan qalabka Birta culus oo lagu magcaabo TEKLEBERHAN AMBAYE CONSTRUCTION PLC (TAF) oo ka hawl-gala waddamo badan oo Afrika ku yaalla.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu u kuurgal rasmi ah ku samaynayey qaabka ay u shaqeeyaan shirkadahaasi iyo waxyaabaha ay dalkaasi Itoobiyo ku soo kordhiyeen maadaama ay shaqadoodu tahay dhismayaasha Garoomada Diyaaraha, Jidadka, Dekedaha iyo Guryaha oo dhammaantood ay u dhisayaan qaab casri ah oo caalami ah.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhameeyey kormeerkiisii indha-indhaynta ahaa ee uu ku marayey xarumaha shiradahan waxaa uu xfiiskiisa kulan kula qaatay Maamulaha Shirkadahan ku midoobey (TAF) oo lagu magcaabo SEIFU AMBAYE si uu wax uga ogaado qaababka kala duwan ee ay u shaqeeyaan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka duulaya ballan-qaadkiisii ahaa in uu beddeli doono wejiga kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ayaa sidoo kale maamulaha Shirkadaha ku midoobey (TAF) Mr. SEIFU AMBAYE waxaa uu ka-xog waraystay qaabka ugu suurta galsan ee shirkadahaasi ay Puntland uga hawl geli karaan iyagoo maal-gashiyo ka samaysanaya isla markaana Dawladda Puntland kala shaqaynaya dar-dargelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntlan Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa usoo jeediyey Maamulaha shirkadaha ku midoobey (TAF) In ay Puntland booqasho ku tagaan isla markaana ay indhohooda ku soo arkaana fursadaha ka bannaan iyo nabad-gelyada gaamurtey ee ka hana qaaday Puntland, taas oo sahlaysa in ay Puntland maalgashan karaan dad Ajaanib ah isla markaana aanay jirin wax wel-wel ah oo laga qabi karo in ay imaan karaan wax dhibaata ah oo soo gaadhi kara maalgashada yaasha shisheeye.