Sawiro: Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb galay shirkii sannad-laha ahaa ee Hay’adda Tadaamun
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-Feb-2016 waxaa uu xarunta cilmi baadhista iyo horumarinta Puntland ee PRDC kaga qay galay shirka sannadlaha ah ee 24aad ee hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun.
Shirkan sannadlaha ah ee hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun ayaa ah mid sannad walba la qabto isla markaana lagu soo bandhigo waxyaabihii u qabsoomay hay’adda Tadaamun iyo waxyaaba u qorshaysan sannadka xiga, maadaama ay hay’addu ka shaqayso barnaamijyo lagu kobcinayo waxbarashada iyo u gar-gaaridda dadka tabaalaysan gaar ahaan Danyarta, Agoomaha iyo Barkacayaasha.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Hay’adda Waddaniga ah ee Tadaamun waxa uu ku ammaanay caawimada ay u fidisay dadka danyarta ah, agoomaha iyo barakacayaasha kuwaas oo ku nool dhammaan gobollada Puntland.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay caawimaada dadka tabaalaysan iyo kor u-qaadista waxbarashada, isagoona ku tilmaamay in ay tahay mid waajib diini ah iyo mid dawli ahba ku ah qofkasta oo muwaadin ah isla markaana loo baahanyahay in gacan weyn laga geysto, hay’adda waddaniga ah ee Tadaamun-na lagu garab istaago dedaalka ay ugu jirto gurmadka ama taageeridda dadkaasi.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa sidoo kale faray hay’adda Tadaamun in ay dhammaan gobollada Puntland si siman oo caddaalad ah uga hawl gasho isla markaana ay u dhug yeelato sida ay u kala tamar daranyihiin dadka danyarta, agoomaha iyo barakacayaasha ah ee ku kala dhaqan gobollada Puntland.
Ugu dambayntii waxaa madashii shirka shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey wasaaradihii iyo hay’adihii ay wada shaqaynta lahaayeen hay’adda waddaniga ah ee Tadaamun, kuwaas oo si hagar la’aan ah ula soo shaqeeyey.