Sawiro: Wasiirka Deegaanka dawlada Puntland oo kormeer ku sameeyey Degmada Burtinle oo dhibaatooyin dhanka Deegaanka ahi ay ka jiraan
Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa booqasho kusoo maray deegaano kala duwan oo ka tirsan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal kuwaasoo ay ka jiraan dhibaatooyin xoogleh oo dhanka deegaanka ah, wasiirka oo ay weheliyeen maamulka degmada Burtinle iyo saraakiil ka tirsan wasaarada Deegaanka ayaa ugu horayn booqday deegaanka Qoor-Wiile oo ay wasaarada deegaanku kawado howlgal culus oo lagu badbaadinayo biyaha khasaaro islamarkasna biyo xireen loogu samaynayo.
Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa soo indha indheeyey shaqada wasaaradu ka hayso deegaanka Qoor-Wiile iyadoona halkaas laga sameeyey biyo celin laga dhisay deegaanka oo le’eg 750M, wasiirku wuxuu amray in lasii laba jibaaro shaqada halkaas laga wad, intaas kadibna waxaa uu booqday Baliga wayn ee Balli-Dacar oo ay ka jirto dhibaatooyin ay sababeen fatahaado xiliyada roobka ka dhasha Baligaas iyagoona xaalif ba’an kusameeyey deegaanka, Bali Dacar ayaa sidoo kale ay dhibaato kutimid dhulka iyadoona qaybo kamid ah baliga ay ciidii xaaluftay islamarkaasna waxaa ka dhashay daadadkaas Nabaad guur xoogleh, Wasiirku wuxuu sheegey in wasaaradu ay si degdeg ah uga jawaabi doonto
dhibaatadaas islamarkaasna khuburo ay usoo diri doonto si looga hortago indhaabtadaasi ay sii fido, kormeerkiisa Bali Dacar kadib dadka magaalada Bali-Dacar ayaa qado sharaf so dhawayn ah u sameeyey waftiga Wasiirka oo ay uga mahadceliyeen booqashadooda.
Wasiirka Deegaanka iyo waftigiisa ayaa booqashooyinkoodii deegaanadaa kadib galabta soo gaaray degmada Burtinle halkaasoo ay kulan balaaran kula qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada Burtinle iyagoona kawada hadlay ilaalinta deegaanka, ka hortaga dhibaatoyinka lagu hayo deegaanka, iskaashi laga sameeyo dhibaatooyinka ka jira deegaanka sidii loo joojin lahaa iyo arimo kale iyadoona wasiirku uu ugu danbayn dadka reer Burtinle ugu baaqay inay u diyaargaroobaan barnaamij Iskutashi ah oo wax looggu qabanayo Deegaanka si loo yareeyo
dhibaatooyinka jira.