Ciidamada Darwiish oo xiray Suldaan Maxamuud Geele iyo Nabadoon Cabdulaahi Bille
Saacad ka hor ayaa ciidamada Gen. Darwiish ee Jubaland waxay xireen Suldaankii Beesha Harti Suldaan Maxamuud Geele Cumar iyo nabadoonkii beesha Ciise Maxamuud ee jubaland Nabadoon Cabdullahi Bile Saciid Ciise.
Suldaan Maxamuud Geele ayaa laga soo qabatay magaalada isagoo kusugan.
Dhanka kale Nabadoonka ayey ciidamada ka qafaasheen Hotel qiilmawaaye isaga oo fadhiyay ayey kaxeysteen, iyagoo indhaha ka xiray.
Waxaana kaxeeystay ciidamada hoosyimaada Gen. Darwiish oo maalmahan ku raad joogay qabashada iyo xirida duqeyda dhaqanka ee beesha harti.
Xariga odayaashay beesha Harti ee jubaland kala soco wixii kasoo kordha kala soco wararkeena dambe.
Nabadoon Cabdulahi Bile Saciid Ciise oo sifi Sharci daro ah lagu xirtay
Puntlandes.com