Dhagayso: Odayaasha Beelaha Harti ee Jubaland oo wax laga xumaado kutilmaamay xariga odayaasha dhaqan
21 Feb 2016 (Puntlandes) Odayaasha Beelaha Harti ee Jubbaland ayaa si adag uga ka hadlay xariga Gen. Darwiish uu u gaystay Suldaanka Beelaha Harti ee Jubaland Suldaan Maxamuud Geelle Cumar iyo Nabadoonka Guud ee Beelaha Harti Nabadoon Cabdulaahi Bille.
Shir deg deg ah oo ay Beelaha Harti isugu yimaadeen shalay kadib ayaa Nabadoon Maxamed Axmed Kismaayo iyo Garaad Cali Axmed Maxamed (Cali Aar) oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay wax siwayn looga xumaado in la xiro oday dhaqameed, uuna xiro shaqsi masuul ah oo iyaga ay usoo xuleen inuu maammulka u matalo beelaha Harti.
Waxaa ay intaasi ku dareen inay aqoon ilaa iyo hadda waxa xariga uu la xiriiro iyo halka odayaasha la geeyey , garaadka iyo nabadoonka ayaa ku baaqay in si degdeg ah xoriyada loogu soo celiyo odayaasha oo xarigooda uu yahay mid u gub ku ah Jubaland sida ay sheegeen.
Hoos kadhagayso dareenka odayaasha
Puntlandes.com