Daawo Video-Sawiro: Madax Dhaqameedka G.Karkaar oo Cambaareeyay Xarig & Musaafurin ay Jubaland u gaysatay Isimo iyo Cuqaal

22 Feb 2016 (Puntlandes) Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Isimada, Nabadoonada, iyo waxgaradka Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa lagu cambaareeyay Maamulka Jubaland oo xarig iyo Musaafurin u gaystay Suldaanka Beelaha Harti Suldaan Maxamuud Geele Cumar iyo Nabadoonka Guud ee Beelaha Harti Nabadoon Cabdulaahi Bille oo kamid ah isimada Jubaland iyadoo QAAR kalena ay xabsi ku jiraan.

Kulankan oo ka dhacay hotel Gufure ee magaalada Qardho ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay mid kamid ah odayaasha oo aad ugu dheeraaday suldaanka lasoo musaafuriyay Maqaamka iyo Miisaanka uu ku leeyahay Soomaaliya iyo taariikhada saldanada uu suldaanka u yahay wuxuuna sheegay Suldaan Maxamuud Geele Cumar inuu yahay suldaanka beelaha Harti saldanadaas ayuuna sheegay inay tahay mdi soo jireen ah.

badoon Maxamed Aadan, Nabadoon Liibaane, Nabadoon Maxamuud Xasan Diric, Nabadoon Cumar Maxamuud Xasan, Nabadoon Cabdi Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in arintan ay tahay arin ku cusub deegaanka laguna caburinayo Odayaasha dhaqanka oo ah Marjicii umada waxayna Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wasiirkiisa arimaha gudaha ka codsadeen inay arintaa dib uga laabtaan oo qadariyaan odayaasha dhaqanka.

Odayaasha ayaa ugu dambayn Maamulka Jubaland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulaka Axmed Madoobe iyo Wasiirkiisa Arimaha gudaha Gen Maxamed Darwiish ka codsaday inay si sharuud la’aan ah ay kusii daayaan Caaqil C.laahi Bile Siciid sidoo kalena kalaabtaan go’aankooda ay wadanka uga musaafuriyeen Suldaan Maxamuud Geele Cumar.

20160222_12193320160222_12163220160222_12111020160222_12062620160222_12023520160222_11513520160222_11515120160222_11562920160222_11570420160222_11582620160222_11491520160222_11491020160222_11481020160222_114744

About The Author