Sawiro: Madaxweynaha Turkiga oo furay Shirka Istanbul ee Arrimaha Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya

23 Feb 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa magaalada Istanbul ka furay shirka Madasha 6aad ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee taageerta, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasada DFS.

213-3a

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Raysul Wasaaraha DFS, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socota Maamul goboleedyada ka jira Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Xildhibaano iyo ergo ka socota 50 dal iyo Hey’ado caalami ah.

Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Turkiga ayaa si wada jir ah u shir guddoomin shirkan, iyadoo looga hadlayo arimaha Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya iyo tageerada ay u baahan tahay.

 

istanbul (1)istanbul (2)istanbul (3)istanbul (4)istanbul (5)istanbul (6)istanbul (7)istanbul (8)

About The Author