Sawiro: Dawladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaaday in ay xannibaadda ka qaadayso dhoofka xoolaha Soomaaliya
Waxaa maanta magaalada Dubai ka dhacay shir looga wada xaajoonayey sidii dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha Puntland Ee hakadkad ka kujirey muddo saddex bilood ah, Shirkaas oo jewi wanaagsan Ku furmay ‘ Kuna soo gebageboobay si wanaagsan.
Shirka ayaa waxaa dhinaca Dawladda Isu tagga imaaraadka carabta shirka u ga qayb galay Wasiirka xanaanada xoolaha , deegaanka iyo kaluumaysiga ee waddanka Imaaraatka Dr. Thani bin Ahmed alzeyoudi, dhinaca dawlada Puntland waxaa ka uga qayb galay maareeyaha maxjarada Puntland mudane Maxamed Faarax Iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga dawlada Puntland Cabdi-samad Yuusuf Maxamed oo metelay gamacsatada xoolaha dhoofisa Ee Pyntland.
Dhinaca dawlada federalka soomaliya waxaa iga qayb galay Wasiirka xanaanada xoolaha mudane Siciid xusern Ciid Iyo safiirka soomaliya u fadhiya waddanka isutagga imaraadka carabta mudane Cabdiqaadir Shiiki.
Dawlada imaraadlka ayaa balanqaaday inay dhakhso uga qaadayso xanibaada ay kusoo rogtey xoolahii kasoo dhoofijirey guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa noqonaysa mid ay aad usoo dhoweyn doonaan guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed maadaaama ganacsiga ugu weyn ee dalka somaaliya uu ku xidhan yahay dhoofka xoolaha.