Daawo Video: Madaxweynaha DFS oo wax laga waydiiyey maqnaashaha Puntland ee shirkii Turkiga

25 Feb 2016 (Puntlandes)  Waxaa wax laga waydiiyay madaxweynaha DFS maqnaashaha shirka ee Puntland iyo Soomaaliland, wuxunna ku jawaabay oo yri “Dabcan Soomaaliland inta badan shirarkii hore way ka maqnaan jirtay,waxii ka soo bixi jirayna way lahaayeen,kana mid dhaqaalo lugu cayimayo ma usan ahayn,Waxaase maqnaashiyaha shirarkii dhici jiray ku cusub Puntland,waana ka xunahay,”

196-7

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wada ayaa intaas ku daray  “Sababta ay reer Puntland ay ku maqan-yihiin ma aha shirkan iyo New Dealka ee waa sabab siyaasadeed oo ad garaneysaan 2016 iyo sida ay wax u dhacayaan ah,dowladda faderaalka,dowlad gobolleedyadda jira iyo beesha caalamka waan iskudeynay madaxda iyo dadka Puntland inan la hadalno oo an ku qancino sida ay wax u jiraan,mana kuma jirin shirkan arrimaha siyaasadda in laga hadlo oo waxuu ahaa horumarka mid quseeyay,Puntland inay maqan-tahay waxaan ogaanay maalintii la soo baxayay maalintii ka horeysay,”

Xasan Sheekh ayaan iminka hayn intii isla socotay dalka Soomaaliya markii Xukunka loo dhaariyey wax uu ku daro iska daaye, hadana u ordaya inuu 4 sano oo kale madaxweyne u sii ahaado wx uu isagu u yaqaan Soomaaliya!!!

Daawo Xasan Sheekh

Puntlandes.com

About The Author