Sawiro: Dibad Bax Roob Doon ah oo Ka Dhacay Magaalada Garoowe & Magaalooyinka waaweyn ee Puntland
25 Feb 2016 (Puntlandes) Banaanbax roob doon ah ayaa inta badan ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee puntland waxaana alle looga barayay inuu umaddiisa ka dulqaado abaaraha iyo biyo la’aanta laga soo sheegayao dhulka reer guuraaga.
Xubno ka tirsan dowladda, sida wasaradda Cadaalada, arrimaha gudaha, culimadda, isimo, mamulka gobalka kan degmada iyo shacab faro badan ayaa isigu soo baxay waqooyiga magalada Garowe, halkaasoo Alle lagu baryay laguna tukadal labo Rakcadood oo sunno ah.
Salaada ka dib ayay culimaddii goobta ku sugnayd waxay halkaaso kasoo jeediyay kalmado ka hadlaya in mar kasta Alle la baryay oo la xasuusto isla markasna loo gar gaaro qoysaska abaarta iyo biyo la’aantu saamaysay ee ku nool dhulka miyiga ah.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay muhiim tahay in la badiyo baryada Alle iyo is-kaashiga walaalnimo. wuxuna sheegay in dadka hantida haystaa looga baahan yahay inay wax la baxaan.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdlaahi Farawayne iyo Duqa Garowe Xasan Maxamed Goodir ayaa sheegay in maanta Alle dartiis looso banaan baxay sababtuna ay tahay in Alle dadkiisa ka dul-qaado abaaraha iyo dhibaatooyinka haysta, masuuliyiintan shacabka wax haystaa waxay ugu baaqeen inay walaalahooda tabaalaysan u gurmadaan.
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ka mid ahaa isimadii goobta ka hadlay ayaa alle baryay inuu dadkiisa dhibka ka dul-qaado waxa uuna sheegay inay tahay mid uu Rabbigeena nagu eegayo balse loo baahan yahay in la isku naxariisto.
Banaanbaxan roob doonta ah ayaa laga wada sameeyay magalooyinka waa weyn ee Puntland, waxaana arrintaasi dabo socda guddiga gurmadka dadaalo ay wadaan oo wax loogu qabanayo qoysaska abaaruhu saameeyeen.